Wasaaradda Xanaanadda xoolaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in uu socdo baaritaan ay si wada jir ah u samaynayaan iyaga iyo maamulka Puntland kaas oo lagu xaqiijinayo waxa ka jira in xanuunka Rift Valley-ga ee lagu sheegay inay qabaan qaar ka tirsan 27,000 kun oo neef oo ari ah oo toddobaadkii hore ka dhoofay dekedda Boosaaso, isla markaasna isla dekedaas dib loogu soo celiyay Isniintii toddobadkan.
Dr. Cabdiraxmaan Shoole oo ka mid ah guddiga dhoofka Xoolaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in baaritaankaas laga soo saari doono natiijo horraanta toddobaadka soo socda. Wuxuu kaloo xaqiijiyay in dowladda Sacuudigu aysan weli u soo gudbin warqadii caddeyn lahayd sababta celinta xoolaha balse wuxuu sheegay in ay heleen warqado markabka la socday oo ka hadlaya xoolaha saaran markabkaas oo saraakiisha caafimaadka Sacuudigu sheegeen in cudurka Rift Valley ay qabaan.
“Baaritaanka natiijadda sabtida in aan iclaaminno baan rabnaa, annaga iyo Puntland-na waa isla wada sameynaynaa, wixii guddi baa loo wada xil saaray. Sababta xoolaha lagu soo celiyay si rasmi ah nooma soo gaarin ilaa hadda, waxaa jira waraaq la isu soo diro, waraaqdaasna weli nama soo gaarin. Laakiin waraaqihii markabka la socday oo aan helnay in ay Rift Valley xoolaha ku sheegeen. Xoolihii xoolahaas ka dambeeyayna waa galeen oo waa socdaan maraakiibtii,” ayuu yiri Shoole.
Wasaaradda xannaanada xoolaha ee Puntland oo aan arrintan wax ka weydiinnay waxay sheegtay intaysan xooluhu dhoofin in ay maraan ilaa saddex baaritaan oo uu ku jiro kan dekedda intaan maraakiibta la saarin ka hor. Waxayna beeniyeen jiritaanka xanuunkan.
Maxamed Barre Cali wuxuu ka mid yahay ganacsatada yar yar ee dhulka miyiga ee gobolka Bari ka soo aruuriya xoolaha jarka ah ee dibadda loo dhoofiyo. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markabkaas ay u saarnaayeen 1,500 neef ari jar ah, kuwaas oo uu hore uga iibsaday reer miyiga dooxooyinka gobolkaas.
Maxamed wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay wax laga niyad-jabo, maaddama ganacsatada isaga oo kale ah ay aad u faa’iidaan xilliga carrafada, waxayna ka fekerayaan isaga iyo ganacsatada kale ee markabkan ku leh xoolaha in ay bedel wanaagsan u helaan xoolahan oo aan lagu sii hayn karin Boosaaso.
Maxamed wuxuu u sheegay Raadiyo Ergo in lacag xooggan oo uu ku soo iibsaday ay kaga jirto xoolahaas hadii aan suuq loo helinna ay ku tahay khasaare uusan ka soo kaban Karin. Maxamed ma sheegin cadadka lacagtaas.
“Sababta looga soo celiyay Sacuudiga bay khuseysaa, anigu xoolihii aan dhoofsanay kuma ogayn Rift Valley, waxba kama caddeyn karno anagu waxay iyagu ka heleen. Xoolahaasna lacagtoodii waa maqan tahay oo waxay ku maqan tahay ganacsadii dhoofinaysay,” ayuu yiri Maxamed.
Ganacsatada ka socota Sacuudiga ee xoolaha ka iibsata seyladda magaalada Burco ee xarrunta gobolka Togdheer oo ah tan ugu weyn Somaliland, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay joojiyeen xoolihii ay ka iibsanayeen seyladaha. Dhanka kale dekedda magaalada Boosaaso ayaa lagu soo warramayaa inaanay jirin xoolo laga rarayo oo loo wado dalka Sacuudiga, arrintaas oo walaac ku abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaalida oo rajo fiican ka qabay dhoofka xoolohooda.
Maxamuud Salaad wuxuu ka mid yahay xoola-dhaqatada ka walaacsan arrintaan. Wuxuu ku nool yahay deegaanka Damal-samahele oo ka tirsan degmadda Dangoronyo ee gobolka Nugaal.
“Dadka xoolaha dhaqatadda ah welwel bay ku tahay, xoolihii dhabarka u ahaa waa kuwaas la leeyahay waa la soo celiyay, boqolkiiba boqol bay dhabar jab ku tahay. Dadka xoolaha ninba nin buu ku tiiraa ganacsade ilaa kan ugu dambeeya ee neefka ariga ah agtaagan,” ayuu yiri.
Saraakiisha wasaaradda xannaanada xoolaha ee Soomaaliya ayaa sheegay inay la xiriirto xilligii xajka ee xoolaha loo baahnaa oo soo dhowaaday, isla markaana aanay xiriir aanay la lahayn xayiraad la saaray xoolaha Soomaalida.
Qiyaastii hal miylan oo neef ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay galeen Sucuudiga, kuwaas oo ay qaadeen lix markab oo ka baxay dekedaha dalka, xoolihii ugu dambeeyay ayaana ilaa 15-kii Agoosto dalka ka baxay, sida uu sheegay Cabdirisaq Shoole oo ka mid ah guddiga dhoofka xoolaha ee wasaaradda xanaanada xoolaha Soomaaliya.
“Shanta bisha (Hijriga) baa ugu dambaysa si looga gaaro, ileen ciiddii waa dhowadahay Xajkiina, marka xoolihii waa socdaan xoolihiina waa loo baahan yahay, laakiin dad xoolihii isku dhoofinaya marka waa la isku celiyaa badeecadda marna waa la kala qaataa, waa iska caadi ma ogtahay,” ayuu yiri Dr. Shoole.
Soomaaliland ayaa sheegtay in xoolaha lagu soo celiyay Boosaaso aysan wax saameyn ah ku yeelan xoolihii ka dhoofayay Berbera ee u socday Sucuudiga, wuxuuna sheegay isu-duwaha arrimaha dhoofka xoolaha ee wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliland Axmed Xaaji Cabdullahi in caawa dhowr markab oo xoolo ah ay u baxayaan Sacuudiga ilaa iyo toddobaadkii horena uu dhoofku si caadi ah oo aan caqabad lahayn u socday.
“Horta anaga wax saameyn ah naguma yeelan xoolahaas Boosaso lagu celiyay, anaga xoolihii horena waa tageen kuwa kalena waa socdaan. Warka Burco ku saabsan horta idaacadda uun baan ka maqlay laakiin dee waxay ku xiran tahay wakhtiga carrafada oo ciidii baa dhow, haddii ciiddu soo dhowaato seyladaha waa laga hakiyaa, marka wakhti bay ku xisaabtamayaan,” ayuu yiri isuduwuhu.
Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo xoolaha nool ayaa bishii September ee sanadkii 2016-kii xayiraad saaray in loo dhoofiyo xoolaha nool una sababeeyay in xoolaha Soomaaliya ay qabaan xanuunka Rift Valley, balse wasaaradda xannaanadda xoolaha ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xanuunkaasi aysan qabin xoolaha Soomaaliya, sida uu bishii lasoo dhaafay sheegay wasiirka wasaaradaas Sheikh Nuur Maxamed Xasan, xilligaas oo dib loo billaabay dhoofka xoolaha.