(ERGO) – Kun iyo shan boqol oo arday ayaa waxbarashadooda dib ugu soo laabtay kaddib sagaal bil oo ay uga maqnaayeen dagaal u dhexeeyay labo qabiil oo ka jiray degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Waxay ardaydu dhiganayeen afar iyo tobon iskuul oo ka tirsan dugsiyada waxbarashada Somaliland oo dib loo furay 11-kii bishan.
Sagaal dugsi oo kale ayaa weli xiran kuwaas oo ay saldhig ka dhigteen ciidamada militeriga Somaliland oo ku kala dhex jiray labada qabiil. Waxaan weli waxbarashadii dib ugu soo laaban 3,100 arday oo qoysaskoodu weli barkac ku maqan yihiin sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Guddoomiyaha degmada Ceel-afwayn Cabdiraxiim Yuusuf. Wuuxu xusay in agabkii waxbarashada ee dugsiyadaa uu burbur kasoo gaaray degitaanka ciidamada.
Maxamed Faarax Cumar laba wiil oo uu dhalay oo labo iyo toban sano jir ah iyo Sagaal jir ah ayaa ka tirsan carruurta ku waxbarasho waayay dagaallada ka jiray Deegaanka. 6-dii bishan ayay waxbarashada fasalka afaraad oo ay ka gudbi lahaayeen sanadkan dib ugu noqdeen kaddib dugsiyada oo la xiray 13 Dicembar 2017.
Maxamed ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in caruurtiisu ay dib ugu noqdaan dugsiga. Wuxuu xusay in waxbarashada hakadka ka gashey ay dib u dhigtay balse ay sii wadanayaan maaddaama dib loo furey dugsigii ay dhigan jireen.
Saddexdii Agoosto ayay qoyska Maxamed oo toddobo qof ka kooban ku soo noqdeen wuxuu sheegay in toddobo bil uu la deganaa walaalkii oo ku nool magaalada Ceerigaabo oo 90Km u jirta Ceel-afweyn.
Heshiis kowdii bishan laga gaaray colaad ka jirtay deegaanka ayaa kusoo celisay Ceel-afweyn oo ay uga carareen dagaalka bishii January 12-keedii.
Shan kun oo qoys oo ka barakacay deegaanka ayaa waxaa dib ugu soo laabtay 2,500 oo qoys, iyadoo weli qoysaska aan soo laaban ay la maqan yihiin carruurtii iskuullada u dhigan jirtay.
Heshiiska labada qabiil ayaa suuro-geliyay in noloshii deegaanka ay dib u soo noqotay ilaa iyo markii uu dhaqan galay labadii bishan aynu ku jirno ee Agoosto. Ergo siddeed iyo toban maalmood u fadhisay xallinta khilaafka qabiillada oo ka koobneyd culimo, wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ayaa soo afjaray colaadda.
Goobaha muhiimka ee dib u furmay toddobaadkii hore waxaa ku jira labo isbitaal iyo saddex MCH oo xirnaa muddo sagaal bil ah. Dhammaan shaqaalaha caafimaadka ayaa ka barakacay deegaanka markii dagaaladu ka dhaceen gudaha Ceel-afweyn sida uu Raadiyo u sheegay Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr. Naasir Cabdiraxmaan Maxamed.
Wuxuu sheegay in 7-dii bishan ay xarumaha caafimaadka gaarsiiyeen dhammaan qalabkii ay ku shaqeynayn lahaayeen, isagoo xusay in afar dhakhtar iyo 32 kalkaaliye caafimaad ay ka tageen xarumahan markii colaaddu bilaabatay, sidaasna ay u xirmeen xarumuhu.
Toddobaadka ay xarumuhu furnaayeen waxaa adeegyo caafimaad u soo doontay 240 qof sida laga diwaangaliyay xarumaha hadda furmay, kuwaan oo adeegyado caafimaad aan helin muddo siddeed bil ah. Dr Naasir ayaa tilmaamay in xarumaha caafimaadku ay u baahanyihiin qalabeyn si adeegyada dhib yaraan loogu qabto bulshada.
Dhammaan kaabayaashii bulshada sida suuqyadii qudaarta, raashinka iyo dharka ee deegaanka ayaa sidoo kale furmay, waxaana ay dadku si caadiya uga adeegayaan faras magaalaha oo muddo ay xaalad deg deg ah ugu jiray ciidamada millatariga markii colaaddu jirtay taas oo keentay in kaabayaasha dhaqaalaha la wada xiro isku socodka magaaladuna joogsado.
Sahra Axmed oo ka mida hooyooyinka ku nool Ceel-afweyn oo meherad ganacsi ku laheyd magaalada ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in muddada ay ka xirneyd meheradeedu ay waysay il ay dhaqaale uga raadiso caruurteeda oo ku tiirsanayd shaqada ay iyadu qabato balse hadda ay dib u furatay. Waxay xustay in maalmo adag oo dagaaladu ay sababeen ay soo mareen oo cuno yari, waxbarashada la’aan iyo adeeg caafimaadba ay ku waayeen.