Dabeylo khasaare u gaystay barakacayaal

0
Sawir/kaydka/Ergo

Xilligan oo lagu jiro xagaaga waxaa dhacaya dabeyla xooggan oo saameyn ku yeeshay dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee duleedyada magaalooyinka. Kumannaan qoys ayaa ku barakacay Gaalkacyo iyo Caabudwaaq oo Mudug iyo Galgaduud ah.

Qaar ka tirsan qoysaskaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ay dhibaato ba’an ku hayso dabeysha oo ah mid xoog badan. Waxay aqallada ay dadkaas ku jiraan oo aan xoogganayn kala tagtaa maryaha iyo waxyaabaha ku xirxiran ee gabbaadka u ah dadkaas.

Warbixintaan oo faahfaahsan waxaa inoo haya weriyaheenna Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here