Kumannaan qoysas ah oo wajahaya xaalad biyo yari ah oo ka dhalatay ceel cilladoobay

0
Sawir/Keydka Ergo

Maryamo Cabdi Maxamed waa hooyada qoys toddoba qof ka kooban, waxayna kamid tahay dadka ku nool deegaanka Docol oo 40 km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Badi qoysaska halkaas deggan ma awoodaan in ay iibsadaan  biyo ganacsi ahaan loo keeno.

Waxay sheegtay in nolosha qoyskeedu ay ku tiirsan tahay 15 neef oo ari ah oo ay u daaq geyso deegaannada ku hareeraysan Docol, kuwaasoo caanaha ay ka hesho ay ka soo galaan 50,000 oo shillin Soomaali maalintii, lacagtaas oo ay sheegtay inaanay ka badnayn min nus kiilo bur, bariis iyo sonkor ah oo ay ka bixiso lacag dhan 45,000 oo shilin, islamarkana carruurta ay u geyso

Maryan ayaa Raadiy Ergo u sheegtay in wax ka yar fuusto aan la iibin biyaha deegaanka la keeno, sidaas darteedna aysan awood u lahayn iibsashada biyahaas. Waxay taas oo ku qasabtay in qoysaska iibsada biyaha ay siiyaan hadba intii ay u awoodaan.

“Inta uusan ceelku ciladoobin biyaha intaan rabno ee nagu filan ayaan isticmaali jirnay. Maanta heer waxaan joognaa biyo lagu meyrto daaye xitaa wixii la cabi lahaa la waayo. Labaatanle biyo ah markaan ka helno dadka iibsada, ayaan 25 saac iyo wax ka badan isku cel celinayaa, xaaladdaas ayaan ku jirnaa. Biyaha iibka ah ee Xaarxaar laga keeno annaga oo arkayna ayaa la dhamaystaa illeen ma iibsan karnee, waana ila mid dadka intiisa badan,” ayay tiri.

Fuustada biyaha ah ayaa xiligan ka mareysa deegaanka Docol 250,000 oo shilling oo u dhiganta $8.5,  waxaana biyahaasi lagu keena booyad looga soo qaado Xaarxaarka.

Maalin kasta Docol waxaa taga booyad ama laba booyadood oo 30 qaad ah sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankaas.

Maryamo waxay xustay, in ay qorshaynaysyo in meeshii u dhaanta oo biyo ay ka heli karto ula barakacdo carruurteeda, maaddaama ay ciriiri galeen helitaanka biyaha ee deegaankeeda. Waxay sheegtay in caqabada taas ka hortaagan ay tahay inaanay haysan dhaqaalihii ay ku kireysan lahayd gaadiid ay ku guurto.

Muedo sadeex todeobaad ah oo ceelka deegaanka Docol uu cilladeysan yahay waxaa halkaas kaj irta xaalad biyo yari. Ilaa 2,000 oo qoys ayaa ku tiirsanaa biyaha sida bilaashka ah ay ceelka uga heli jireen, waxaana hadda ay ku tiirsan yihiin biyo iib ah oo uga yimaadaa deegaanka Xaarxaar oo qiyaastii 30 km u jirta Docol. Dadka badankooduna ma awoodaan in ay iibsadaan biyaha.

Dhibaatada ka dhalatay biyo yarida ka jirta Docol kuma eka oo keliya dadka tuulada, laakiinse waxay sidoo kale saamwysay dadka xoolo dhaqatada ah ee deegaanka. Siciid Xuseen Warsame oo qoyskiisu ka kooban tahay 10 qof, waxaa uu kamid yahay dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool deegaannadaas. Waxaa uu hadda joogaa deegaanka Ceel Faarax Geedi, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in safar habeen iyo maalin qaatay uu ku tagay halkaas, kaddib markii biyo la’aanta ay qoyskiisa iyo xoolihiisa oo dhan 70 neef oo ari ah ay saameysay. Deegaanka uu tagay ayuu sheegay inuu ku yaalla ceel riig ah oo dadka iyo duunyadu biyaha ay uga cabaan si bilaash ah.

“Halkaan degganeyn ceel aan biyo ka heli karno Ceel Faarax Geedi ayaa noogu dhowaa, sidaas ayaan u nimid halkan. Way jiraan qoysas kale oo aan isla soconay. Sababta aan Docol uga nimidna waa biyo la’aanta iyo biyaha la keeno oo iibka ah oo kharashkooda aanan heysan. Dadka aan isla soo guurnay waxay u badan yihiin dadkii xoolo-dhaqatada nala ahaa. Hadda biyaha waxaan ka helaa ceelka deegaankan,” ayuu yiri.

12 qoys ayuu sheegay safarka in ay ku wehliyeen, islamarkaana ay la deggan yihiin miyiga. Muddo sagaal maalmood ah ayuu sheegay in ay deegaankan joogaan.

“Waxaan ku guuray dameer, illryn gaadiid kale ma hayee, sidaas ayaan ku tagnay Ceel Faarax Geedi. Ceelkan ayaan biyaha ka dhaansanaa, deegaankiina sidaas ayaan uga soo barakacnay”

Sidoo kale xoolo-dhaqatadii ay abaartu ceyreysay ayay saameynta biyo yaridu ku heysaa deegaanka Docol. Maxamuud Axmed Samatar oo ah aabaha qoys sagaal qof ka kooban, 19 maalmood ayuu sheegay in ay ku qaadatay in qoyskiisu biyo ay cabaan uu kaga soo helo dadka biyaha iibsada ee deegaanka ay ku nool yihiin.

“Waxaan la halgamayay nolosha qoyska oo cuno aan u soo shaxaado ayaan siinayay. Xaaladdan ayaa noogu darsantay, waxaan sameeyo garan maayo. Waxaan u baahannahay gurmad iyo in aan biyo helno,” ayuu yiri Maxamuud.

48-dii saac ayuu sheegay in mar uu helo tobanle biyo ah, oo uu ka soo qaato dadka ehelka ah ee biyaha iibsada, si aysan carruurtu uga haraadin. Waxaa uu sheegay in maalin iyo habeen ay u isticmaalan cabid iyo cunada oo hal waqti oo galabkii ah ay ku karsadaan.  Si ay biyaha uu helay uga dhamaan waxaa uu hayaa wax ka badan 30 saacadood, halka saacadaha kale biyo la’aan ay yihiin. Sidaas ayuu ku soo jiray muddo saddex todobaad ah,

Ka hor intaan ceelku jabin, waxaa uu xusay in biyaha intuu ka rabo uu ka soo dhaansan jiray ceelka cilladoobay ee Docol, balse hadda taasi ay meesha ka baxday.

Maxamuud waxaa tilmaamay inaanu laheyn awood dhaqaale oo uu ku guuro, isla markaana deegaan kale uu uga hayaamo, maadaama cunnada uu ka helo ehelkiisa iyo hay’adaha haddii uu meel kale tago ay ka go’i doonto. Wuxuu sheegay in haddii qoyska uu la deggan yahay ay guuraan uu geediga la geli doono.

Maxamuud ayaa abaarta ka hor dhaqan jiray 240 neef oo ari ah. Waxaa uu Docol barakac ahaan yimid dabayaaqadii sanadkii 2016-kii. Qoyska Maxamuud, waxay ku tiirsan yihiin gargaar ay bixiyaan hay’adaha samafalka iyo qoys ehelkiisa ah oo Docol deggan, kuwaas oo ay  ay mar mar ka helaan raashin ay karsadaan.

Guddoomiyaha deegaanka Docol Cabdulqaadir Warsame Yare, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 60 qoys oo u badan xoolo-dhaqatadii degganaa miyiga ay u barakaceen deegaannada  ay biyo ka heli karaan, sida Xaarxaar, Dagaari iyo Ceel Faarax Geedi. Wuxuu xusay in sagaal deegaan oo hoostagta Docol, dadka ku nool ay ku tiirsanaayeen biyaha laga heli jiray ceelka cilladoobay.

“Dedaalkii aan ku bixinay ceelka sidii loo hagaajin lahaa waxba kama suurtoobin oo qoladii farsmo-yaqaanada ahaa, waxay noo sheegeen bamka ceelka in cillad weyn ku timid. Wiisha ayaan soo kiraynay $800 ayuu naga qaatay. Waxaana dedaal kaddib ay raggii hagaajinayay noo sheegeen in aysan waxba ka qaban karin. Biyaha Xaarxaar laga keeno ayay dadku nafta ag-dhigtaan inta iibsata, waxaa ka badan inta aan iibsan oo ku hoos nool”

Guddoomiyaha, ayaa intaas ku daray in ceelkan uu shaqaynayey 21 sano ee la soo dhaafay, isla markaana ragga farsamo-yaqaanada ah ay u sheegeen in bamku uu u baahan yahay in la beddelo, iyadoo sidoo kalana qeybaha hoose ee ceelku ay duntay. Arrintaas oo keentay inaan laga fursan doonin in mid kale la dhiso.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here