Guddiga taakuleynta dadka duufaanta Sagar ku waxyeeloobay ee gobolka Awdal ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay deegaannada gobolkaasika ka waday in ay shacabka ka ururiyaan lacag lagu caawinayo xoolo dhaqatadii duufaantu ka leysay xoolaha.
Guddiga ayaa deegaannada kale ee saameyntu aanay gaadhin socdaalo ku marayo si ay lacag uga ururiyaan, kaddibna ay lacagta dib u xooleyn ugu sameeyaan.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Hargeysa, Ilyaas Cabdi Cali ayaa ka wareystay qorshahaasi dadka dib u xooleynta loogu sameynayo Xasan Cabdiraxmaan Cilmi oo ah xoghayaha fulinta ee guddiga taakuleynta ee lacag ururinta ka billaabay Awdal.