Laba xero oo ka tirsanaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo si rasmi ah loo xiray, dadkii ku jirayna qaybi u noqotay Soomaaliya, kuwa kalena xeryaha kale loo wareejiyey ayaa adeegyadii bulshada ee ku yaalay sida iskuuladii, ceelashii biyaha, goobihii caafimaadka iyo xaafiisyadii hay’addaha gargaarku shaqayn jireen lagu wareejiyey maamulka dawladda Gaarisa.
Xerada Kambicaws waxaa la xirey bisha Maarso 2017 waxaa ku yaalay 3 iskuul hoose dhexe, xarun caafimaad, waxaa xafisyo ku lahaa ku dhawaad toban hayadaha samafalka ah. Xeradaas waxaa la aasaasay 2011 xiliga abaartii dadku ku soo qaxeen xeryaha, dadkii ku jirayna waxay si iskood ah dib ugu labteen Soomaaliya. Xerada IFO2 waxaa ku yaalay 10 Dugsi hoose dhexe, hal dugsi sare, 7 matoor oo kuwa biyaha laga cabo ah, isbitaal weyn oo casri ah oo u dhameytirnayaan agabkii isbitalada caalamiga iyo xafiisyadii hay’aduhu ku shaqaynayeen.
Dhammaan goobahan adeegyadu waa kuwo haray xeryahaas, waxaana shalay si rasmi ah hay’adda qaxootiga qaramada Midoobay ee UNHCR ugu wareejisay ismaamulka Garisa oo xeryaha Dhadhaab maamul ahaan ka tirsan yihiin.
Waxaana maamul goboleedka Garisa sheegay in adeegyadaan ay ka faa’iidaysan doonaan dadka gudaha, ayna qorshaynayaan inay sidoodii u sii shaqeeyaan. Waxaana arrinaan Ergo uga waramay Ciise Oyow oo ah wasiirka biyaha ee ismaamulka Garisa.
Halkaan hoose ka dhegeyso waraysiga
wareysi wasiirka biyaha ismaamulka Garisaa