(ERGO) – Hinda Cali Cawaale oo 50 jir ah, waxay kamid tahay haween cuntada u kariya shaqaale dhisa waddo isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo qiyaastii isu jira 260 km. Cunto bisil iyo mid cayriin ah oo ay ka hesho maamulka dhisaya wadada ayay ku maaraysaa nolosha caruurteeda oo lix ah. Raashinka bisil ayay ku heshaa si maalinle ah, gaar ahaana maalmaha ay shaqayso, halka raashinka cayriina la siiyo maalmaha kale.
Hindo malaha xirfad ay ku shaqeyso, fursada keliya ee ay caruurteeda cunto ugu heli kartayna ay ahayd inay halkan cunto ka kariso, si nolosha qoyskeeda ay ugu deberto. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in shaqadan ay ku soo biirtay bilowgii 2017-dii, xilligaas oo ay u bilaabatay nolosha barakaca.
Hadda waxay joogtaa deegaanka Lulubshe oo 10 km u jira tuulada Wisil oo Koonfur-bari qiyaastii Gaalkacayo uga beegan 200 km. Waxay kamid tahay qoysaska sida joogtada ah ula guur-guura shaqaalaha wada dhismaha wadada. Waxay Ergo u sheegtay inay ku nooshahay aqal Soomaali ay hadba ka ag dhisato meesha ay shaqaaluhu deegaamaystaan.
Sanad iyo afar bilood oo ay shaqadan haysay, ayay Hinda sheegtay in ay uga baxday diiftii iyo baahidii ay ka qaadeen abaarta, isla markaana hadda aanay ka welwelin helista raashin ay caruurteeda siiso. Waxay kaloo shaqadan u aragtaa inay tahay mid dan-guud ah oo deegaankaba anfac u yeelanaya.
Abaarta dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka jirtay qeybo kamid ah gobolka Mudug ayay ku wayday 200 oo neef oo ari ah oo ay ku dhaqan jirtay deegaanka Saqiiro oo u dhexeeya Wisil iyo Hobyo oo kawada tirsan gobolka Mudug.
Hinda ayaa ka tirsan 57 qoys oo xoolo-dhaqato ahaa, kuwaa soo abaarta ku cayroobay, noloshooduna hadda ay ku tiirsan tahay, karinta raashinka iyo ka shaqaynta nadaafadda oo ay u qabtaan shaqaalaha wada dhismaha wadada. Dadkan ayaa u badan haween wata caruur agoon ah iyo kuwa ay aabayaashood kala tageen.
Xoghaya guddiga dhismaha wadada Nageeye Dhoolla-yare ayaa Ergo u sheegay in guur-guuritaan shaqaalaha wadada ay caqabad ku noqotay qaar ka tirsan qoysaskan, gaar ahaan kuwa caruurta haysta. Wuxuu intaas ku daray in guddiga dhismaha wadada ay isla garteen in qoysaska carruurta aan geeddiga geil karin xilli kasta lagu caawiyo xoolo nool si ay ugu negaadaan deegaanka. Ilaa 13 qoys ayuu Nageeye sheegay in la siiyay 108 neef oo ari ah, kuwaas oo qeyb ka ah xoolo uu guddigu ka helay dadka deegaanka.
Kuma eka oo keliya haweenka, dadka noloshoodu ku tiirsan tahay wadadan. Laakiinse waxaa jira rag qoysaskan ka tirsan oo iyaguna ka qeyb qaata dhismaha wadada, sida uu Ergo u sheegay Nageeye. Wuxuu intaas ku daray in 15 haween ah oo caruurta wata ay bilowgii howshan ku biireen sannadkii 2016-kii, xilligaas oo wadadu ay maraysay deegaanka Wisil.
Ragga shaqada ka helay wadada waxaa kamid ah Shire Maxamed Hilowle oo shaqadiisu tahay gurista ciida iyo dhaqaga lagu dhisayo wadada. Qoyskiisa loo lix ka kooban ayaa ku tiirsan shaqada oo uu maalintii ka helo $3. Qoyskiisa ayaa sidoo kale hela raashin bisil oo si maalinle ah uga helaan guddiga wadada.
Laba boqol oo neef oo ari ah ayuu ku dhaqan jiray miyiga Wisil. Xoolahaas ayaa dhammaantood ku le’day abaartii deegaanka ka jirtay. Bilowgii sanadkii 2016-kii ayuu qoyska Shire ku soo barakacay deegaanka Wisil.
Markii uu waayay gargaar ayuu u tegay guddiga wadada oo uu waydiistay shaqo. Afar bilood kaddib wuxuu ku biiray qoysaska ku tiirsan raashinka ay ka helaan dhismaha waddadaas.