(ERGO) Cabdullahi Cali waa 39 jir, wuxuu qodayaa hog laba mitir ah, isagoona jiingado dhulka yaal oo gurigiisa dumay ka harayna meel ku rasaynaya, wuxu ka mid ahaa kumanaan qoys oo ku barakacay fatahaaddii Beledweyne, haddase guryahoodii dib ugu soo noqday labadii todobaad ee la soo dhaafay.
Gurigiisa uu ku soo noqday 31 May, hadda waa mid burbursan oo aan lahayn biyo, musqul, mana taalo wax alaab ahi. Wuxuu ka koobnaa laba qol iyo bersad oo jiinkad ah, wuxuu Radio Ergo uga waramay waxay kula soo noqdeen hoygiisa.
Isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yihiin barxaddii guriga oo dhinacyada ka yaalaan wixii ka haray gurigii dumay, kuna yaal laanta Buulada ee xaafadda Buundaweyn, wuxuu horay uga shaqayn jiray mootooyinka bajaajta oo uu kiraysan jiray, mudadii barakaca uu ahaa uma suurto gelin inu shaqaysto, taas oo sii adkeysay nolosha qoyskiisa oo markii hore quudan jiray sadax waqti balse mudadii labada bilood aheyd ay quudan jireen hal waqti
Qoyskiisa oo ka kooban 12 qof bishii Abril ayuu ka baracay fatahaadii, wuxuuna sheegay in mudadii uu gurigiisa ka maqnaa ay dulsaar ku ahaayeen qoys kale oo ay qaraabo yihiin oo ku nool qaybta taagga ah ee aysan biyaha gaarin ee xaafadda Hawl-wadaag, ayna siiyeen qol saddex mitir ah oo ay dhamaantood wada degeen. Wuxuu sheegay in gurigii dhexdiisa ay boholo noqdeen, sidii ceelkii oo kale ah ay ka qodmeen.
“Inaan halkaan ku soo noqdo ayaa ii dhaanta dulsaarkii aan ahaa, haddana guriga inaan isku toos toosisto oo meel carruurtu ii gasho habeenki ka dhigo ayaan rabaa” Ayuu yiri Cabdillaahi
Wuxuu sheegay in gurigiisa oo uu dib u dhisto ay u bahan yahay lacag ka badan 1500 oo dollar, uusanna heli karin. Dhinaca musuqlaha ayuu sheegaya inuu hogga uu hadda qodayo oo laba mitir ah uu si ku meel gaar ah ugu isticmaalayo musuqul ahaan, maadama intaa ka badan aan la qodan karin oo wali ay biyaha ka fogeyn dhulka.
Wuxuu sheegay intuu barakaca ahaa in dad qaraabo ah oo qurbaha jooga ay bishiiba 100 dollar u soo dirayeen.
Cabdillaahi Cabdi Magan oo ah madaxa hay’adda Save The Children ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhibaatada daadadku gaarsiiyeen Beledweyne ay muuqanayso markii biyihii ka baxeen magalada, ayna u bahan tahay qiimayn.
“Waxaa burburay guryihii carshaanta iyo jiingadda ka samaysnaa, musqulihii, ilihii biyaha, waxbarashadii, caafimadkii, jidadkii iyo ganacsigii, inay soo kabtaanna waxay qaadanaysaa sanooyin” Ayuu yiri Magan.
Wuxuuna intaas ku daray in iyagu aysan kula talinayan in dadku dhaqso dib ugu noqdaan guryahooda, ayna magaladu u bahan tahay in la buufiyo, ceelasha biyaha iyo musqulaha la dayac tiro.
Fartuun Cabdi iyadu 30 May ayey dib ugu soo laabatay hoygeeda oo ku yaalo xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo, waxay u barakacday Ceeljaale oo ah halka dadka magaladu u barakaceen. Waxay ku noolayd mudadii barakaca aqal ka samaysan karoomo, waxayna sheegtay in laba goor ay heshay gargaar raashin oo isugu jira 50kg oo bur, bariis iyo sonkor ah.
Waxay hadda ku mashquulsan yihiin gufaynta iyo kebisidda gurigeeda oo laba qol oo dhagax ah, oo biyaha hoos ka qodeen, wax alaab ahise uma dhex ool oo waxaa qaaday daadkii.
“Kartoono ayaan ku seexannaa, weel wax lagu cunno ma haysano, waxaan u bahanahay bustayaal iyo marakaneecooyin” Ayey tiri Fartuun.
Waxayse sheegtay inay ku qanacsan tahay inay isaga dhex hoyato iyada iyo lix carruur ah oo ay dhashay, odaygeedii ayey sheegtay inuu dhintay laba sano ka hor.
Saxadda ayaa dhibaatada ugu daran ee hadda ka taagan magaaladd, dadkuna waxay samaysanayaan musqulo ku meel gaar ah.
Sheekh Xuseen Cismaan oo ah madaxa arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay fatahaaddii Beledweyne ku barakaceen 40kun oo qoys, badidoodiina hadda soo noqonayaan, iyadoo aysan jirin wax ugu imanayaan guryahoodii.
“Meesha loo barakacay ee Ceeljaale waa meel ciriiri badani ka jiro, dadku hoy kuma haystaan, taas ayaana khasbaysa inay dadka ku noqdaan guryahoodii si kastoo ay u burbursan yihiin” Ayuu yiri Sheekh Xuseen.
Dadka soo noqday ayaa sheegaya in dhibaatada kale ee soo baxday ay tahay cabirkii guryaha oo lumay, ayna isku dhex darsameen, tanoo dhalin karta muran hor leh iyo is qab qabsi ka dhasha lahaanshaha dhulka, waxaana wax yaabaha yaabka leh ka mid ah guryaha qaar oo darbiyadooda laga soo qaaday meelo u jirto ugu yaraan qiyaas ahaan 1km.
Waxaa sidoo kale dadka soo laabanaya qaar kood ay wajahen caqabado ah biyaha oo ku haray xaafadahooda sida xaafadaha Bundaweyn iyo Xaawo-taako kuwaas oo bilaabay iney dhaqaalo ay iska aruuriyaan si ay isaga saaraan biyaha, iyagoo adeegsanaya matooro bamka biyaha tuuraa ku rakiban yihiin.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lagu noqday xaafadaha Buundaweyn, Kooshin iyo Hawlwadaag dadkii ka barakacay ku soo noqdeen, mase sheegin tiro rasmiya oo weli aan soo noqon, waxaana weli aan lagu soo noqon xaafadda Xaawo-taako.