Site icon Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Laba sano kaddib beeralley fursad u helay inay wax beertaan

Cagaf cagafyo qodaya beeraha qoysaska beerallayda ah loogu deeqay/Ilyaas Cabdi/Ergo

(ERGO) – Sagaal kun oo qoys oo beeralley ah, ayaa markii ugu horreysay si bilaash ah loogu deeqay siidhka beeraha si ay uga kabtaan saamaynta abaaruhu labadii sano ee ugu dambeeyey ku reebeen. Qoys walba ayaa loo qodayhal hiktar oo dhul ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay afhayeenka wasaaradda beeraha Somaliland Sacad Cabdi Muuse.

Gobollada beerahan laga sameeyey ayaa loo eegay sida ay ugu kala badan yihiin tacabka beeraha. Abuurka beeraha ayaana lagu beegay xilli roobaadka Guga oo badi deegaannada Somaliland ay roobab heleen.

Beeraha la qodayo waa kuwa ku baxa biyaha roobka, waxaana ka mid ah dalagyada beeralleyda loo qaybinayo haruurka, iyo galleyda, iyadoo waliba la siinayo siidhka dalagyadaas iyo gaadiidka lagu shaqeynayo.

Lacagta ku baxday mashruucan oo dhan $50,000 ayaa markii hore laga uruuriyay shacabka markii ay abaaruhu jireen. Xilligaas oo wacyi-gelin socotay 45 maalmood bartamihii sannadkii la soo dhaafay ay lacagtan ku uruuriyeen guddiga abaaraha oo dhex maray suuqyada, guryaha iyo hay’adaha dowallada.

Maxamed Cabdi Cali oo ka mid ah beeralleyda tuulada Hudisa oo hoostagta degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Soamililand oo abaaraha jiray u saamixi waayeen in uu beertiisa tabcado, ayaa 19-kii bishii hore ee Apriil galley iyo haruur loogu beeray dhul hal hiktar ah.  Roobabka Guga oo si fiican deegaankiisa uga da’ay ayuu rajo ka qabaa in dalagyada loo beeray ay u bixi doonaan, si uu uga dhigto cunno iyo keyd uu uga bad baado xilliyada abaarta. Maxamed ayaa sheegay inuu beertay dhammaankii dhulkii loo qoondeeyey.

Waxaa uu Ergo u sheegay in dhaqaale uu u waayay beertiisa, markii roobkii Gugu bilowday, laakiinse gacan qabashada uu helay ay ku abuurtay rajo ah in uu markale beertiisa tabcan karo.

Maxamed iyo qoysaska kale ee tuulada Hudisa oo ay ku yaallaan 200 oo beerood, ayaa wax beerasho ugu dambaysey bishii sagaalaad ee sanadkii 2015-kii. Labadaas sano ayuu Ergo u sheegay inay haysatay lacag la’aan iyo roob yari.

Nolosha qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof ayaa ku tiirsanaa tacabka uga soo go’a beeraha, waxaana uu sheegay in saamaynta ka dhalatay ay ku  kalliftay in laba waqti ay dabka cunno saartaan. Ehalladooda iyo dadka ay deriska ku yihiin tuulada ayuu sheegay in ay wixii ay awoodaan ku kaalmaynayeen.

Beeralleyda ka faa’iidaysanaya biyaha roobka iyo qodista lacag la’aanta ah, ayaa ah kuwa u diiwaan gashan isu duwayaasha wasaaradda beeraha ee gobollada Somaliland.

Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Sacad Cabdi waxaa la sameeyey guddi daba gal ku sameeya oo ka tirsan wasaaradda beeraha Somaliland, si loo hubiyo in beerallaydu ay si fiican uga faa’iideysteen deeqda ay heleen.

Cismaan Cali Nuur oo ka mid ah iskaashatada beeralleyda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in fursadan ay kor u qaadayso wax soo saarka beeraha, isla markaana beeralleydu ay ka soo kaban karaan saamaynta ay ku reebtay abaartu.

Wuxuu tilmaamay in ay ku qiyaasayaan in sannadkan beertiiba ay ka soo go’i doonto 100 kiintaal oo galley ama haruur ah, isagoo intaas ku daray in sannadkan aanu ula mid noqon doonin kuwii ka horreeyey. Cismaan ayaa aaminsan in haddii beeralleyda Somaliland ay heli lahayd taakulayn in ay qeyb ka qaadan lahaayeen kobocaha dhaqaalaha.

Exit mobile version