Dad 50 qoys ka badan oo ah xoolo-dhaqatadii abaaraha ku cayrtoobay ee ku nool Buuhoodle tuulo ka tirsan ayaa helay gargaar raashin ah oo ay siiyeen urur ka howlgala degmada. Qoysaskaas ayaa ahaa kuwa ugu nugul ee qabay dhanka baahiyaha cunto. Sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo ee magaalada Buuhoodle, Khadar Cawl Ismaaciil.