Kumanaan kun oo qof ayay saamayn ku yeesheen daadad ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo toddobaadkan ka da’ayay qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
Deegaannada Somaliland, sida ay sheegtay hay’ada maaraynta musoobooyinka dabiiciga ah ee NADFOR, dad lagu qiyaasay 1,780 qoys ayaa ku barakacay roobabka, ku dhowaad 80 qoys oo ka mid ahna waxay ku waayeen guryohoodii. Gobolka Awdal dabaylaha iyo roobabka ka dhashay duufaanta, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof, iyadoo ay jiraan tiro kale oo ku dhaawacantay. Dhismayaal, kaabayaasha dhaqaale iyo sidoo kale xoolo ayaa lagu waayay roobabka iyo dabaylaha is wata. Deegaannada qaar ayaan wali la ogayn khasaaraha dhabta ah ee gaaray sida degmada Lugyaha oo ay go’an yihiin isgaarsiintii iyo waddooyinkiiba.
Masuuliyiinta deegaanka ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in 40 kalluumaysato ay badda ku jireen kahor intaan roobabka iyo dabayluhu deegaanka ku dhufan.
Guddoomiyaha gegmada Baki Maxamed Axmed Caateeye, ayaan khadka taleefanka ku waraystay. Wuxuuna marka hore iiga waramay khasaaraha ka dhashay roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ay gobolka Awdal.