(ERGO) – Gabar 9 jir ah, ayaa toddobaadkii hore nafaqo-darro ugu dhimatay deegaanka Balli-mataan oo Hargeysa 80 km Koonfur uga beegan. Konton iyo kow kale oo nafaqo-darradu hasyo ayaa 36 kamid ah waxaa u u weheliso shuban biyood. Carruurtaas ayaa hadda lagu dawaynayaa xarunta caafimaadka ee deegaanka, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Khaaalid Cumar Cali oo ah madaxa xarunta.
Dhakhtarka ayaa intaas ku daray in bukaannada ay ku daweeyaan buskud iyo biyaha fuuq baxa soo celiya. Xaruntooda ayuu sheegay in ay dawayn karto shubanka iyo nafaqo-darada dhexe, laakiinse aanay heli karin caanaha loogu talo galay nafaqo darada xun. Arrintaas oo keentay in ay 11 iyo 12-kii bishan magaalada Hargeysa ay u gudbiyaan 12 carruur ah oo ka yar da’da shan sano oo galay heerka nafaqo-darada daran.
Farax Cigaal Warsame oo ka mid ah dadka barakaca ku ah xerada, ayaa xarunta caafimaadka muddo lix laamood ah kula jirta gabar labo sano jir ah oo uu soo riteen nafaqo-darro iyo shuban. Labo maalmood markii ay guriga ku haysay, isla markaana xaaladeedu ay ka sii dartay ay geysay xarunta. Xaalada gabadha ayaa hada soo hagaagaysa markii dhakhaatiirtu ay siiyeen faleebooyinka fuuq-soo-celinta.
Qoyska Farax ayaa wajahaya xaaladii ugu xumayd muddo 14 bilood ah oo ay xerada degganaayeen. Iyadoo qoysaska barakaca ku ah xerada aanay gargaar toos ah helin saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Hay’adda Alkhayr oo fadhigeedu yahay Ingiriiska oo bishii ay ka heli jireen 40kg oo raashin isugu jira bur, sonkor iyo boorash ah, ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay hal mar bishii Abriil u gaysay gargaar, sida uu Ergo u sheegay Khadar Cabudllaahi Siciid oo ah madaxa hay’adda ee magaalada Hargeysa.
Farax ayaa sheegtay in saddex maalin oo isku xigta aanay helin raashin ay carruurteeda u kariso, arrintaas oo keentay in saddex ka mid ah carruurteeda ay ku dhacdo nafaqo-darro, sida ay u sheegeen dhakhaatiirta xarunta oo baaritaan ku sameeyey. Waxay intaas ku dartay carruurteeda oo lix ah aanay u hayn wax ay u kariso, iyadoo aabahood uu guriga kusii hayo carruurta inta ay ilmaha yar dhakhtarka kula jirto.
Abaarta ka hor ayay qoyska Farax noloshoodu ku tiirsanayd 45 geel ah iyo 200 oo ari ah oo ay ku dhaqan jireen baadiye 10 km u jira deegaanka Daroor ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xoolaha ayaa kaga dhammaaday abaar labadii sano ee la dhaafay deegaanka ka jirtay.
Xerada oo ay deggan yihiin qoysas xoolo-dhaqato ah oo abaarta ku cayroobay ayaa ku taalla buur hoosteed, taas oo sababta in marka roob da’o ay biyuhu fariistaan. Dr. Khaalid ayaa tilmaamay in xaaladu ay aad uga sii dartay markii roobabku ay ka bilowdeen deegaanka.
Dhibaatada cuno yaraan ee ka jirta xerada, ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhammaan dadka soo barakacay ee xerada deggan.