Markaad maqasha abwaan, ama qof suugaan sameeyo, waxaad sawiraneysaa oday ama qof ka sii daba dhow, laakiin ilmo yar oo suugaan tirinaya waxaad is weydiineysaa tolow ma loo soo dhiibay? Haddaba waxaan maanta idiin haynaa wiil yar oo suugaanta uu tirinayo aad la fajaceyso.
Suheyb Jaamac Cabdi, waa 11 jir ku nool magaalada Burco, wuxuu billaabay inuu suugaan tiriyo sanadkii 2015, xilligaas oo ahayd marki uu billaabay inuu wax curiyo. Weriyaha Ergo ee Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf, ayaa la kulmay Suheyb, waxaana dhex martay sheekadaan.