(ERGO) – Cali Salaad Cali oo 7 jir ah, ayaa laba laba maalmood ka hor u dhintay cudurka daacuunka oo ka dilaacay xerada qaxootiga Xagardheer ee Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya. Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay madaxa caafimaadka bulshada ee xerada Dr.Cabdijamaal Xasan.
Dr. Cabdijamaal ayaa intasa ku daray in markii loo soo sheegay xaaladda bukaanka ay u direen gaariga gurmadka deg dega ah oo keenay isbitaalka xerada. Baaritaannoo iyo dadaal ay sameeyanna ay ku guuleysan waayeen iney bad baadiyaan Cali.
Cabdi Cali Cusmaan oo ah adeerka wiilka dhintay isla markaana soo korsaday, ayaa Ergo u sheegay in xilli habeennimo ah uu xanuunku ku soo booday wiilka, kaddibna ay ula carareen isbitaalka. Wuxuu intaas ku daray in markii la geeyey isbitaalka laga waayay xidid laga siiyo falmeebo, iyadoo markii dambe dhakhaatiirtu ay siiyeen dawo fuuq celin ah (ORS), laakiinse shubankii iyo mataggii uu istaagi waayay, sidaasna uu maalintii xigtay ku dhintay.
Sidoo kale haweenay iyo ilmyar ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu dhintay gudaha xerada labadii toddobaad ee la soo dhaafay, sida dhakhaatiirta isbitaalku u sheegeen Raadiyo Ergo. Labada qof ayaa dhintay kahor intaan la keenin xarrunta caafimaadka.
Isbitaalka xerada waxaa hadda jiifa oo lagu daweynayaa 13 qof oo siddeed ka mid ah ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay shan sano. Kuwaas oo la siinayo dawooyin joojinaya fuuq baxa, inta laga xaqiijinayo xanuunka haya.
Dr.Cabdijamaal Xasan ayaa Ergo u sheegay in marka bukaannada loo keeno ay meel gaar ah jiifiyaan, inta qofka ay ku socdaan baaritaannadu. Kaddib ayaa la ogaadaa inuu hayo shuban biyood ama daacuun, hadba sida lagu xaqiijiyo baaritaanka ka soo baxa sheybaarka.
Hay’adda IRC oo gacanta ku heysa caafimaadka xerada, ayaa faafitaanka cudurradan u sababaysay roobab xoog leh oo xerada ka da’ayay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay. Iyadoo biyuhu ay qaadeen musqulo si kumeel gaar ah ay dadku u dhisteen kaddib markii hore ka buuxsameen iyo carruurta oo meelaha biyuhu isugu yimaadeen ku qubaysanaya kaddibna guryohooda dib ugula laabanaya bakteeriyadii, sidaasna ay xanuunkii ku gudbinayaan.
Caasho Cabdiqaadir oo qoyskeedu sagaal qof ka kooban yahay, waxay ka mid tahay qaxootiga xerada Xagardheere. Laba carruur ah oo ay ayeeyo u tahay ayay maalintii toddobaad kula jirtaa qaybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka xerada. Carruurtan oo kala ah gabadh oo 6 jir ah iyo wiil 7 jir ah, ayay Caasho sheegtay in ay u maleynayso in cudurku ay ka qaadeen nadaafad darro ka dhalatay musqul la’aan heysata qoyskeeda, iyadoo carruurta ay bannaanada u saxaro tagaan..
Caasho ayaa sheegtay in muddo shan sano aanay fursad helin musqul, taasna ay ku khasabtay in ay carruurto aadaan bannaanada xerada ku dhex yaal, halka dadka waaweyna ay maryo iyo geed la isku xiray ka samaysteen musqul ku taalla xerada dhexdeeda. Dhowr jeer oo ay cabasho u gudbiyeen hay’adda gacanta ku heysa xerada, ayay sheegtay in ay usii gudbiyeen guddoomiyaha xerada, dhankiisana aanay ilaa hadda waxqabad ka heyn.
Cabashada qoyskan oo aan gudbinay hay’adda CARE oo qaabilsan faya-dhowrka xerada ayaa sheegtay in ay jiraan baahiyo dhanka musqulaha ah oo ka jira xerada. Inkasta oo ay u diiwaan gashan yihiin musqlaha buuxsamay iyo kuwa dayactirka u baahan, hadana dhaqaale xumo jirta ay arrintaas caqabad ku noqotay. Sida uu Ergo u sheegay Aadan Ismaaciil Sanweyne oo hay’adda CARE u qaabilsan nadaafadda iyo fayo-dhowrka xera.
Qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala xeryaha qaxootiga ayaa bilaabay wacyi gelinta khatarta xanuunka. Gawaari ay saaran yihiin cod baahiyaal ayay la dhexmaraan xerada, iyadoo dadka loo sheegayo sida ay uga fogaan karaan in cudurku ku dhaco, isla markaana ay isaga fogayn lahaayeen qashinka.