Ilaa boqol qoys oo qaxooti ah oo labadii sano ee la soo dhaafay dib uga laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi-bari Kenya, ayaa waxay boqol guri ka dhisteen duleedka magaalada Baydhabo, kaddib markii qoyskiiba uu helay deeq lacag ah oo gaaraysa $1,000 taas oo ay deeqeen hay’adaha Intersos iyo UNHCR oo kaashanaya wasaaradda dib u dejinta maamul gobolkeed Koonfur-galbeed.
Dadkan oo horey u degannaan jiray guryo cooshado ka samaysan oo ay dhibaato ku qabeen roobka iyo kulaylka qorraxda ayaa hadda u hoyanaya guryo ay gabaad ka helayaan. Weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Baydhabo Muxiyadiin Xasan Maxamed ayaa warbixintan ka diyaariyay.