Ilaa saddex buundo oo biyaha ka saari jiray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa xirmay, kaddib markii roobab halkaas ka da’een toddobaadkii lasoo dhaafya. Biyaha ayaa xeray suuqa xoolaha, kan qudaarta iyo sidoo kale saldhiga booliiska ee magaalada.
Cabdirisaaq Xirsi Haajirow ayaa arrintaas ka waraystay guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle. Ugu horreyn waxa uu waydiiyay saamaynta ay roobabku magaalada ku yeesheen.