Aadan Cabdi Maxamed, Waa 64-jir ku nool Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, yaraantiisii Wuxuu ahaa reer Guuraa ku noolaa gobolada Bay iyo Bakool. Wuxuu ahaa xoolo-dhaqato, laakiin 26-kii sano ee ugu danbeeyay Wuxuu joogay qaxootiga Dhadhaab, hadda Waa daryeele Caafimaad.
Wuxuu ka hadlayaa nolosha Geeljire-nimada, Dabeecadaha Geeljiraha, Geelaha iyo Sida uu Muhiim ugu ahaa nolosha baadiyaha. Weriyaha Ergo ee Dhadhaab, Axmed Cabdullaahi Jaamac, ayaa wareysigaan la yeeshay.