Deegaanka Lafweyne oo 30 km u jira degmada Xuddun ee gobolka Sool, dadka nool gaar ahaan haweenka umulaya maysan haysan adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin. Hooyada umulaysa ee u baahan adeeg dheeraad ah ama xaalad khatar ah gasha waxaa loo qaadi jiray degmada Xuddun, mararka qaarkoodna ilaa magaalada Laascaanood oo 100 km u jirta. laakiin hadda taas meesha way ka baxday oo saddexdii bil ee la soo dhaafay dadka deegaanku bannaanka wax caafimaad ah uma aysan doonayn.
Xarun daboosha baahiyaha caafimaad ee deegaanka ayaa laga furay halkaas, xarunta ayaa isugu jirta midda Hooyada iyo dhallaanka, iyo mid dadka kale daaweyn iyo baarintaan loogu sameeyo. adeegga xaruntuna waa mid bilaash ay ku helayaan dhammaan bukaannada. Warbixin arrintaas faahfaahineysa waxaa inoo soo diray weriyaha Ergo ee Laascaanood, Faarax Dubbad.