(ERGO) – Cali Daa’uud oo ka mid ah dadka la nool HIV/AIDS ayaa sheegay in saddex jeer oo kala duwan laga saaray guryo uu kiro ku deggenaa markii la ogaaday inuu xanuunka qabo. Sidoo kale gabar ay qaraabo yihiin ayaa bartamihii sanadkii hore ka joojisay $150 oo bil kasta ay ku taageeri jirtay, kaddib markii uu warbaahinta ka hadlay isagoo qiranaya inuu cudurka la nool yahay.
Ninkan oo ah 46 jir ku nool Kismaayo ayaa sheegay in dadka la midka ah ee gudaha Soomaaliya jooga ay maalin kasta la kulmaan faquuq iyo tacaddi bulshada uga imaanaya. Wuxuu hadda guddoomiye ka yahay urur ay leeyihiin dadka xanuunka qaba oo ka dhisan magaaladaas.
“Intaas dadka oo nux nux leh oo faraha igu taagtaagayaa ayaan arkaa, taasina dhibaato xoog leh ayay aniga igu tahay,” ayuu yiri Cali oo xanuunkan la nool muddo toddobo sano ah. Wuxuu saddexdii bil ee u dambeysay la shaqeeyaa qeybta lagu daweeyo dadka laga helo AIDS-ka ee isbitaalka Kismaayo.
Hadda wuxuu guri kiro ah oo uu leeyahay qof ay qaraabo yihiin la deggan yahay xaaskiisa oo iyadana qabta xanuunka. Waxay is-guursadeen lix sano ka hor. Hase yeeshee wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in saddexda jeer ee guriga laga saaray, mar ka mid ah isaga oo maqan alaabta bannaanka loogu tuuray.
Dadka ay qaraabada yihiin qaarkood ayuu xusay inay xiriirka u jareen iyagoo u arka inuu dilay magaca qoyska.
Dad badan way qarsadaan xanuunka si aan loo faquuqin, xitaa qaarkood waxay diidaan inay joogto ula xiriiraan isbitaalka oo siiya dawooyin kaalmaati ah oo bilaash ah, sida uu sheegay Cali oo qeybta wacyigelinta qaabbilsan.
Dad uu isbitaalka labadii bil ee u dambeysay ka helay HIV/AIDS oo ay tiradooda gaarayso 18 qof ayaa diiday inay dawooyinka qaataan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Ibraahim Cismaan Dhicis oo ah madaxa qeybta HIV/AIDS ee isbitaalka Kismaayo.
Laakiin waxaa u diiwaangashan oo ay joogto xaaladdooda uga warqabaan 43 qof oo kale oo la qoray labadii sano ee la soo dhaafay oo qeybtan ay shaqeyneysay. Lix ka tirsan waa dadkii ka noqday Dhadhaab oo isbitaalka ula tagay waraaqihii ay dawada ku qaadan jireen.
Shukri Xaaji Cabdalla (ma aha magaceeda saxda ah), waa 35 jir xanuunka laga helay saddex sano ka hor. Markii ay aad u xanuunsatay ayay aadday isbitaalka Kismaayo, waxaana laga baaray qaaxo. Markii ay xaaladdeeda caafimaad waxba iska beddeli waayeen iyadoo dawooyinkii qaaxada qaadanaysa muddo afar bil ah ayaa mar kale lagu sameeyay baaritaan cusub oo lagu ogaaday in ay qabto xanuunka HIV/AIDS.
Xilligaas oo aanay shaqeyneyn qeybta xanuunkan la tacaasha ee isbitaalka waxaa ku adkaatay inay hesho dawo. Dhaqaatiirta isbitaalka Kismaayo mid ka mid ah ayaa markii dambe ka bixiyay tikitka diyaarad geysay Muqdisho. Muddo lix bil ah ayay halkaas dawooyin kaalmaati ah ku soo qaadaneysay.
“Markii la i dhahay ‘xanuunkaas ayaad qabtaa’ waan qarracmay. Cudurkan waxaan moodayay in horay looga dhimanayo, ma moodayn noocaan in uu yahay oo lala noolaan karo,” ayay tiri.
Wacyigelin la’aan dadka ka haysata sida cudurka loo kala qaado, iyo inta uu la ekaan karo xiriirka ay la yeelanayaan bukaannada ayaa loo sababeeyaa faquuqa.