Reer miyiga iibka ku raba xoolohooda oo ku jaah-wareersan doolarka

0
651
Keydka Sawirrada Ergo

Seyladda xoolaha ee magaalada Guriceel ma arkaysid qof qiimaha xoolaha ku sheegaya shilin Soomaali. Doolar oo keliya ayaa wax lagu kala iibsadaa, mana aha kaash oo waa lacag la isaga diro taleefannada gacanta. Waa natiijada muddo toddobo bilood ah oo isticmaalka shilin Soomaaliga laga joojiyay gobollada dhexe.

Maxamed Faarax oo xoolo-dhaqato ah, 18 doolar oo uu ka helay iibka neef arigiisa ka mid ah ayuu ku gatay taleefanka gacanta. Isticmaalka taleefanka ayuu bilaabay muddo hadda laga joogo shan bilood, wuxuuna sheegay inay wali ku adagtahay fahamka sida lacagta loogu shubto ama loo gala baxo, maadaama aanu waxna akhri karin isla markaana qori karin.

Maxamed oo 70 jir ah, wuxuu toddobaadkii hore shan neef oo ari ah keenay suuqa. Wuxuu ka soo safriyay tuulada biyo-gaduud oo 36 km koonfur uga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galguduud. Wuxuu Ergo u sheegay in qiimihii uu ku doonayay xoolihiisa aanu ku helin, maadaama sicirka doolarka aanu aqoon. Bedelkeedna uu door biday in uu ku bedesho raashin isugu jira bur, bariis iyo saliid. Wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa lacag uu yaqaano in xoolihiisa looga iibsado si uu u garto in qiimihii saxda ahaa laga siistay iyo in kale.

Xoolo-dhaqatada la midka ah Maxamed ayay sidoo kale caqabad ku tahay adeegsiga lacagta taleefannada ku jirta. Muraadka ay magaalada ka leeyihiin ayay uga xiran lacagta taleefannadooda uga jirta oo mararka qaar ay dhacdo inaanay aqoon inta ay le’eg tahay.

Gaambe Caabi dhammaadkii todobaadkii hore ayuu suuqa xoolaha ee degmada Guriceel keenay laba neef oo ari ah. Markii uu ku waayay shilin Soomaali ayuu dib ugu celiyay deegaanka Lafweyn oo Guriceel Koonfur-bari uga beegan qiyaastii 22 km. Labadii neef ee uu suuqa keenay ayuu sheegay in loo istaagay wax ka yar 21 doolar. Inta ay shilin Soomaali ku noqonayso markii uu waydiiyay dadka suuqa joogay, waxay u sheegeen inay u dhiganto in ku dhow 700,000 oo shilin.

Taleefanka gacanta oo uu uga soo dhiibay Guriceel wiil uu abti yahay ayuu sheegay in uu wali ku jiro  barashada isticmaalkiisa, ayna wali ku adag tahay inuu ku shubto lacag ama uu kala baxo. Arrintaas oo ku kalliftay inuu labadiisii neef dib ugu celiyo deegaankii uu markii hore ka keenay.

“Xoolihii aan usoo safray markii shilin Soomaali loo eego wax aan ku geli karoba maaha. Ilmahaygii iyaga oo qaday oo raashin haysan baan ka imi”, ayuu yiri Gaambe.

Xoolo dhaqatada ayaa dhibaato ku qaba dabeynta taleefannada ay ku khasbeen duruufaha ka dhashay diidmada shilinka Soomaaliga. Gaambe Caabi ayaa sharaxaya sida uu taleefankiisa dab ugu helo isagoo ku nool miyiga. Wuxuu sheegay in maadaama aan koronto laga helin miyiga uu taleefankiisa u dhiibto baabuur ama qof u socda Guriceel si loogu soo dabeeyo, uuna ka maqnaado habeen iyo maalin. Mararka qaarna dhowr maalmood ayuu sheegay in uu dab la’aan uga dansanaado.

Gaambe Caabi oo aabe u ah 10 carruur ah, ayaa in ka badan 100 neef oo ari ah oo uu horay ugu dhaqan jiray deegaanka Lafwayn, waxaa hadda uga soo haray 30 neef oo keliya kadib markii intii kale ay abaartu ka dhammaysay.

Cali Maxamed Xaashi oo ka mid ah ganacsatada xoolaha u iib geeya qaar ka mid ah deegaannada Puntland ayaa sheegay in uu jiro is-faham-waa ka taagan suuqyada xoolaha kaas oo u dhexeeya ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada oo neefafka ay keenaan ku qiimeyana shilin Soomaali aan gobolka ka shaqayn. Arrintaas oo mararka qaar keenta in lacagtii ay ku doonayeen in xoolo ku iibsadaan ay waayaan qofka ka qaata.

Macalin Daahir Xersi oo ah madaxa dhaqaalaha ee jaamacadda Savanah xarrunteeda Guriceel ayaa tilmaamay in dadka reer miyiga ah ay soo wajahday dhaqaale burbur iyadoo ay usii dheertay abaaraha dalka ka jira. Wuxuu sheegay in taasi ay jaah wareer ka abuurtay suuqa lagu kala iibsado xoolaha oo ah halka ugu horraysa ee xoola-dhaqatadu timaado.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here