Keydka Ergo

Tirada carruurta agoonta ah ee qoysaskooda ay ku xoolo-beeleen abaarta ee waxbarashada isu diiwaangelinaya ayaa kordheysa. Qoysaskan oo ku nool xeryo lagu barakacay oo ku yaalla magaalada Burco ayaa fursad wanaagsan ka helay labo iskuul oo lacag la’aan wax ku bara agoonta. Mid ka mid ah oo wiilasha oo keliya ay dhigtaan waa hoy, wuxuuna carruurta siiyaa cunto saddexda waqti ah, halka kan kale oo gabdhaha u gaar ahna uu diyaariyo quraac iyo qado, wuxuuna leeyahay bas ardayda ka soo qaada, kuna celiya guryahooda.

Afartii bil ee u dambeysay waxaa dugsiyadan waxbarasho ka billaabay 110 arday oo ay da’doodu u dhaxeyso lix jir ilaa 14 jir. Waxaa sidoo kale diiwaanka ugu qoran, balse iskuullada oo buuxsamay awgood aan waxbarashada billaabi karin 270 arday oo kale. Dugsiyadan oo hoose-dhexe ah waxay ku tiirsan yihiin dhaqaale ay ku taageeraan ganacsatada deegaanka iyo qurbajoogta.

Carruurta oo isugu jira agoon barakac ah ama kuwo danyar ah oo laga yaabo in aanay guryahooda ka soo helin wax ay cunaan ayaa khasab ka dhigtay in uu iskuulku cuntada u sameeyo sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Cafiifa Xasan Nuur oo ah maamulaha dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Tabantaabo. Waxay intaa ku dartay inay waaliddiintana u tahay fursad kale oo ka yareyneysa walwalka qatooyadooda.

Dhamaan iskuullada kale ee magaalada lacag ayaa lagu dhigtaa. Dugsiyada ay dowladda maamusho waa $10, kuwa gaarka loo leeyahayna waa $30. Qoysaska deggan afar xero oo lagu barakacay oo tiradooda ay gaarayso 3,500 ayay carruurtooda waxbarasho la’aan haysataa sida noo sheegay guddoomiyaha degmada Burco Maxamed Diiriye Xayd. Carruurtan oo aan dhamaantood agoon ahayn ayay xitaa qoysaskooda ku adag tahay helista cuntada.

Saado Dhuux Hawd oo 35 jir ah ayaa ka mid ah reer miyiga carruurtooda uga faa’ideynaya fursaddan waxbarasho. Miyiga deegaanka Duruqsi ee xadka Itoobiya ayay bishii Luulyo ee sanadkii hore ka soo barakacday markii ay abaarta uga dhinteen 180 ari ahaa oo ay xoolo oo dhan ka lahayd. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurteeda oo ah labo gabdhood iyo wiil agoon ah ay wada gaysay labadan dugsi, balse fursad loo helay oo keliya gabadha ugu weyn oo sagaal jir ah.

Gabadha iyo wiilka kale waa loo diiwaangeliyay waxaana loo sheegay inay sugto inta uu boos uga bannaanaanayo. Hadda guriga ayay iska joogaan maaddaama aysan awoodin inay geyso iskuullada lacagta lagu dhigto. “Carruurta xoolaha ayay noo raaci jireen, hadda xoolo ma jiraan bannaannada ayay iska ciyaaraan,” ayay tiri.

Cafiifa ayaa tilmaantay in fursadda ugu dhow ee carruurta diiwaangashan ay waxbarasho ku heli karaan ay tahay in ay fasalka siddeedaad ee dugsiga dhexe oo ah kan ugu sarreeya iskuulkooda oo sanad-dugsiyeedkan ay markii ugu horreysay dhameyn doonaan 20 gabdhood ah. Dugsigan oo la furay 2010 ayaa waxaa sugaya in ay fursad ka bannaanaanaato 220 gabdho ah.

Maamulaha dugsiga wiilasha agoonta ah ee Abuubakar Sadiiq, Maxamuud Maxamed Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dowladda Somaliland iyo ganacsatada kulamo ay la qaateen ay uga codsadeen in la ballaariyo dhismaha iskuulka si loo kordhiyo fursadda waxbarasho ee carruurtan agoonta ah, loona shaqaaleeyo macallimiin badan. Toban fasal ayuu hadda ka kooban yahay, waxaana wax ka dhigta 12 macallin. Waxaa dhigata 170 arday oo 50 ay ka soo jeedaan qoysaska ay abaarta soo barakicisay, wuxuuna ka caawiyaa inay helaan meel ay seexdaan, cuntada iyo agabka waxbarashada.

Maamulaha ayaa xusay inay jiraan arday agoon ah oo dhameysatay dugsiga dhexe, kuwaas oo ay geeyeen dugsiyada sare ee lacagta ah, dhaqaalahana ay ka bixiyaan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here