Waxaa todobaadka soo socda dib loo bilaabayaa raashinkii iyo adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee la siin jiray qaxooti ay Soomaali ka mid tahay oo ku jira xerada Al-kharas ee dalka Yaman. Tallaabadan ayaa timi kadib markii UNHCR iyo qaxootigu ay is afgarad ka gaareen muran soo jiitamayay ku dhowaad sanad ah. Wuxuu ka dhashay markii hay’addu kaarka aqoonsiga ka saartay taariikhdii uu qofku xerada ku biiray. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada qaybta Soomaalida Cabdulqaadir Ibraahim Shaah.
Cabdulqaadir waxaa uu intaas ku daray in hishiiska ay la gaareen hay’adda UNHCR uu qorayo in kaarka aqoonsiga aan waxba laga bedelin oo loo daayo sidii uu ahaa sanad ka hor.
Saddexdii bilood ee ugu danbaysay oo aan wax gargaar ah la siin qaxootiga oo ka badan shan kun oo qof ayaa waxaa ka dhashay in dadkii xanuunsanayay ay waayaan daryeelkii caafimaad ee ay u baahnaayeen. Waxaa hadda u jiifa cudurka shubanka biyoodka ku dhowaad 20 qof oo qaxootiga ka mid ah sida ay Raadiyo u sheegeen masuuliyiinta xereda. Sida ay hoggaamiyayaasha xeradu u sheegeen Raadiyo Ergo, waxaa isbedel lagu sameeyey muddo hadda sanad laga joogo raashinkii la siin jiray qaxootiga oo isugu jiray bariis, bur iyo saliid oo hadda lagu soo koobay qamadi oo keliya.
Iyadoo aanay xerada ka jirin shaqooyin ayaa masuuliyiinta qaxootiga ay ka dayrinaya xaaladda nololeed ee dadka, inta awoodana ay u xammaali tagaan tuulooyinka xerada ku dhow ama magaalada Cadan oo qiyaastii 193 km u jirta Al-kharas. Waxa ay ka helaan dhiqida gawaarida iyo hadba shaqadii kale ee ay heli karaan ayay u ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Caasho Ibraahim Cali oo kamid ah guddiga xerada Al-kharas oo ay 28 sano ku nooshahay, ayaa sheegtay in mudadii aan lasiin raashinka iyo adeegyada kale ay soo wajahday dadka xerada ku nool culaysyo kala duwan. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in dadkii qabay cudarada kala duwan sida TB-da, HIV/AIDS ka iyo shubanka ay ku adkaatay inay helaan daryeelkii ay u baahnaayeen.
Raashinkan oo muddo saddex bilood ah ku kaydsanaa bakhaaro ku yaalla xerada, ayay Caasho sheegtay inay walaac ka qabaan xanuuno ka dhallan kara maadaama deegaanka uu saxaare yahay kulayl badana uu ka jiro.
Caasho ayaa Yemen timi 1992-dii. Qoyskeeda oo ka kooban 10 qof ayaa ku tiirsan gargaarka ay ka helaan hay’adda UNHCR. Bagaash isugu jira raashin ka kooban bur iyo sonkor oo ay ku dhex iibso xerada ayay ku masruuftaa qoyskeeda.
Mrs Jacqueline Parlevliet oo ah madaxa xafiiska hay`adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ee Cadan oo ka hadlaysay xallinta is fahan waaga ayaa sheegtay in hay’ad ahaan ay soo dhowaynayaan qodobada lagu hishiiyay. Dowladda Yaman ayay ku ammaantay gacantii ay ka gaysatay isu soo dhowaynta hay’adda iyo qaxootiga. Wafdiga UNCHR ee booqday xerada waxaa mid ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlada Yemen oo uu hor kacayay wasiirka arrimaha gudaha.