Ku dhowaad 800 oo qoys oo ah dadkii horay uga barokacay degmada Buulo-burte xilligii ay go’doonka ahayd ayaa hadda billaabay inay dib ugu laabtaan. Waxay dadku soo laabanayeen ilaa bishii la soo dhaafay ee December, kaddib markii caadi ay ku soo noqdeen adeegyadii ganacsiga, hoosna u dhacay sicirbarar dhanka raashinka ah oo qiime aad u sarreeyo gaaray waqtigii go’doonka ay ku jirtay degmada.
Maxamed Siciid Yemeni ayaa warbixintaan ku eegaya soo noqoshada dadka iyo isbadelka ka jira degmada.