Xasan Yuusuf Kaarshe oo beertiisa jooga

(ERGO) – Beeraleyda deegaanka Jibagalle oo hoostaga magaalada Garoowe ayaa markii ugu horreysay bishan u wareegay tacabka dalagyada cuntada ah, kaddib markii biyo-yari ka dhalatay abaaraha soo noqnoqday iyo cayayaan ay hoos u dhigeen khudaarta oo ay weligood beeran jireen. Biyaha ay heli karaan oo ceelal ka imaanaya ma aha kuwo ku filan khudaarta oo u baahan biyo badan oo joogto ah, halka dalagyadan kale ay sidaas ka duwan yihiin.

Deegaankan oo 18 km u jira Garoowe ayaan roob helin tan iyo gu’gii oo ku beegnaa horraantii sanadkii hore. Markaasna roobka ka da’ay aad buu u yaraa.

Dhul dhan 30 hektar oo ay ku yaallaan 60 beerood ayay dadku go’aansadeen inay beddelkii khudaarta ku abuurtaan galley, digir iyo masaggo. Waxay isugu jiraan qaar uu abuurku saaran yahay iyo kuwo ay weli howshooda socoto, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xasan Yuusuf Kaarshe oo ah guddoomiye ku-xigeenka beeraleyda Puntland. Isaga ayaa xitaa ka mid ah dadka khudaarta ka beddeshay ee ay galleyda u abuuran tahay.

Wuxuu xusay in dalagyadan oo ku soo go’a 70 ilaa 110 maalmood ay u baahan yihiin labo ilaa saddex goor oo keliya in la waraabiyo, halka ay khudaartu biyo u baahaneyso in ka badan siddeed jeer. Waxaa sidoo kale dhiirrigeliyay qiimaha ay cuntadan ka joogto deegaankooda oo sarreeya. Tusaale ahaan 50kg oo galley ah waxaa lagu iibiyaa in ka badan $40. “Waxaan soo saari doonnaa raashin cusub oo wanaagsan, kan hadda suuqyada yaalla waa mid duugoobay,” ayuu yiri.

Kaarshe oo abuurka galleyda ah ka soo iibsaday Garoowe ayaa $360 ku maalgashaday qeyb ka mid ah beertiisa oo guud ahaan dhan afar hektar. Wuxuu rajeynayaa inuu kordhiyo wax-soo-saarkiisa haddii dhaqaale fiican uu ka helo intan, gu’gana uu si wanaagsan uga da’o deegaankiisa dhamaadka Abriil. Abuurkan cusub ayuu aaminsan yahay inuu wax ka tari karo noloshooda iyo jiritaanka beerahooda.

Kaarshe ayaa intaas ku daray in ceelasha oo ay dhanka waraabka ku tiirsan yihiin aanay lahayn biyo badan. Dadku qaab iskaashi ah ayay u wadaagaan ceelasha iyo matoorrada, wuxuuna ceelka riigga ah ee ugu biyo badan uu halkii mar waraabin karaa ilaa lix beerood.

Nadiifo Cali Liibaan oo ah 46 jir ka mid ah beeraleyda deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in muddo labo sano ah aysan waxba uga soo bixin yaanyo ay abuuratay. Yaanyada oo dhaqaalaha ugu badan ay iyada iyo beeraleyda kale ka heli jireen mar kasta oo ay beeraan waxaa khasaariya cayayaan ku dhasha. Saddex sano ka hor hal hektar iyo bar oo yaanyada oo keliya ay ku beeran jirtay waxay sanadkiiba ka heli jirtay $15,000 oo faa’iido ah.

Nadiifo oo ah hooyo keligeed korsata carruurteeda, qoyskeedana uu ka kooban yahay 13 qof oo toddobo ka tirsan ay waxbarasho ku jiraan ayaa sheegtay in ay rajeyneyso dalagyada u beeran oo isugu jira galley iyo digir inay ka heli doonto dhaqaale fiican. Waxay fursad u noqon kartaa inay ka soo kabato khasaaraha gaaray, ayna uga maarato lacagta deynta ah ee ay mararka qaar qaadato si ay nolosha qoyskeeda u maareyso.

Cabdicasiis Ismaaciil Garaad oo ah aqoonyahan beeraha ku takhasusay, muddo 20 sano ahna u ololeynayay horumarinta beeraha Puntland ayaa sheegay in wax-soo-saarka dalagyada ee ay beeraleydu hadda billaabeen uu amhiyad gaar ah u yeelan doono helista cuntada ee dadka. Xoolahana ay sidoo kale ka faa’iidi doonaan balka soo haraya oo noqon kara fursad ah ay u baxsadaan xilliyada qalleylka iyo abaaraha.

Dalagyadan ayaa haddii ay soo go’aan looga maarmi karaa raashinka beeraha ka soo go’a ee laga keeni jiray meelaha fogfog sida gobollada koonfurta Soomaaliya iyo deegaannada dowlad-goboleedka Soomaalida ee Itoobiya. Sidoo kalena waxaa la odorosayaa inuu hoos u dhigo qiimaha dalagyada oo mararka la waayo ama ay suuqyada ku yaraadaan ay adag tahay in la iibsado.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here