Xoolo cudurro ugu dhimanaya Shabeellaha dhexe

0

Xoolo-dhaqatada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka cabanaya arigoodii oo u dhimanaya cudurka Xaafowga oo ka dhasha biyaha wasakhaysan.

Sida laga soo xigtay Saalax Fuleel Xaaji oo ah madaxa caafimaadka ee gobolka, ku dhowaad 430 qoys oo xoolo-dhaqato ah ayay saamaysay cudurada ku dhacay xoolaha oo ay ka qaadeen daadad ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle. Khubarada caafimaadka xoolaha ayaa tilmaamay in cudurka dilaya xoolaha uu yahay Xaafow, waxaa sidoo kale loo yaqaana gooryaanka wareega, dadka ayuu sidoo kale saamayn karaa.

Yuusuf Xaamud oo ka mid ah dadka tuulada Aw-baale, ayaa sheegay in arigiisii oo 150 neef ahaa ay hadda uga soo hareen 7 neef oo keliya, sidii cudurku u dilaacay. “Cudurka ayaa bilaabay inuu fido dhammaadkii bishii Oktoobar, xooluhuna wali way dhimanayaan- neefkaygii ugu danbeeyey wuxuu dhintay 25 Diseember”, ayuu yiri Yuusuf.

Daahir Maxamed Xasan oo degan degmada Dibir oo 25 km bari ka xigta degmada Mahadaay ayaa sheegay in xoolihiisii ay uga soo hareen 29 neef oo keliya, wuxuuna horay u lahaa 250 ari ah. Qoyskiisa oo ka kooban 6 qof ayaa u guuray magaalada si ay ula noolaadaan dad ay qaraabo yihiin, xoolihii usoo haray ayuu uga yimi dad deris la ahaa oo degan tuulada Dibir.

“Waxaa la ii sheegay in afar ari oo kale uu ku dhacay cudurkan, sidaas daraadeed waxaan go’aan saday inaan iibiyo xoolaha dhammaadka bishan”, ayuu yiri Daahir.

Dadka deeggaanka ayaa sheegay in ku dhowaad 4,000 oo neef oo ari ah ay u dhinteen cudurka saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa adag in la xaqiijiyo tiradaas, laakiinse khubarada xoolaha ayaa sheegaya in Xaafowgu keligiis aanu sabab u noqon karin dhimashada intaas le’eg. Inta badana cudurkan waxaa la arkaa marka webigu uu fataho, isla markaana biyaha fadhiya hareeraha webiga ay ku wasakhoobaan saalada xoolaha. Arrimaha kale ee yaraynaya difaaca xoolaha inta lagu jira tafahaada webiga, waxaa kamid ah; burikiito iyo xanuuno ku dhaca feeraha oo ay ka qadaan qabowga.

Ammaanka deegaannadaas oo xun awgeed ayaa adkaysay in hay’adaha gargaarku ay ka howl galaan. Inta badan xoolo-dhaqatada ayaa ah dad reer guuraa ah, isla markaana ay ku adag tahay la socoshada caafimaadka xoolohooda.

Dadka deeggaanku waxay cabasho ka muujinayaan in hay’adaha gargaarka bixiya ay iska indha tirayaan, isla markaana aanay helin wax daawo ah wakhtigan. Madaxa caafimaadka ee degmada Mahadaay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadku ay si joogta ah u waydiisanayaan adeegyo caafimaad.

Hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore soo geba gebaysay olole tallaal oo ka dhan ah Jadeecada iyo Furuqa xoolaha kaas oo ay ka fulisay Soomaaliya. Laba wareeg oo daawayn ah ayay sidoo kale hay’addu qabatay intii u dhexaysay Maarso iyo Juun ee sanadkii hore.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here