Qaar ka mid ah dadka ku soo cayrtoobay abaaraha ee ku nool magaalada Laascaanood ayaa baranaya xirfado farsamada gacanta ah oo kala duwan, dadkaan ayaa ka baranaya iskuul si gaar ah uu u hir geliyey bishii Juun 2016 nin injineer ka ah dhinaca korantada.
90 qof oo ka mid ah dadkaas wax ka bartay waa kuwii abaaraha ku soo cayrtoobay waxay barteen xirfadaha korantada, guryo dhiska iyo rinjiyeynta haddana ku shaqaysta.
Faysal Abshir 25 sana jir wuxuu kamid yahay dhalin yarada kasoo xerooday miyiga, kana faa’iidaystay xirfadaan.
Bilowga sanadkii 2017 ayaa isaga iyo qoyskooduba ka soo barakaceen Awr-boogaysa oo 160km Laascaanood waqooyi bari ka xigta. Wuxuu hadda bartay farsamada korantada.
Post your comments