Cayayaan quus geliyay beeralayda Qansaxdheere

0
Kaydka sawirrada/Ergo

Cayayaan uu ka mid yahay ayax ayaa labadii bil ee u dambaysay baabi’yay qiyaastii saddex kun oo beer oo ku yaalla degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay. Beerahan waxaa ka baxayay galley, masaggo, digir iyo sisin. Qoysaska deegaanka oo ay noloshooda ku tiirsaneyd, ayaan xilligan sugeyn, dalagyo u soo go’a. Waxa keliya ee ay ka filanayaan ayaa ah balka oo ay xoolohooda siisan karaan.

Keerow Isxaaq Maxamed oo keliya waxaa ka baaba’day beer 8 hektar ah. Dalag ka badan boqol kiintaal oo uu filayay inuu ka helo bishan Jannaayo, waxaa uga soo go’day afar kiintaal oo keliya.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in kharashka ka galay abuurka beerta oo dhan Ssh21M ($777) ay ahayd deyn. Waxay ku baxday falka, abuurka iyo carra gedinta beerta. Waa markii ugu horraysay ee deegaankaas uu roob ka da’o muddo saddex sano ah, taas oo keentay in ay dadku ku dhiirradaan wax-soo-saar.

Keerow oo qoyskiisu uu ka kooban yahay 15 qof ayaa horay abaarta darteed ugu barakacay duleedka magaalada Baydhabo, balse wuxuu dib ugu noqday markii uu da’ay roobkii deyrta bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Wuxuu xusay inay burburtay rajadii uu ka qabay in qoyskiisa uu ka soo kabto abaarta.

Dayrtii hadda laga baxay ayaa ahayd xilli roobaadkii ugu fiicnaa marka loo barbar dhigo sanadihii lasoo dhaafay. Waxaana deegaannada ku hareeraysan Qansaxdheere ka da’ay roobab fiican.

Faadumo Cabdullaahi Maxamed oo bilawgii wakhti roobaadka tacab gelisay laba beerood oo midkiiba cabirkeedu dhanyahay saddex hiktar, isla markaana ay ku beertay Masago iyo Digir ayaan waxba uga soo go’in kadib markii cayayaan ku degay. Qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ayaa markii hore ku adkaysay inaanay ka barakicin deegaankooda oo ay xoogga saaraan sidii ay beerta u falan lahaayeen marka wakhti roobaadka la gaaro, balse arrintaasi uma hirgelin.

Hadda Faadumo iyo qoyskeedu waxay hoos joogaan gurigooda. Waxayna ka fekerayaan sidii ay noloshooda ku maarayn lahaayeen. Xilligii abaarta ayay sheegtay inay ku xamaalan jirtay dhar-dhiqis iyo xaabo ay u iib gayso Qansaxdheere.

Maxamed Nuur Cabdi oo kamid ah iskaashata beeralayda Qansaxdheere ayaa sheegaya in beeraha saamayntu kasoo gaartay cayayaanka ay isugu jiraan kuwo laga rajo beelay oo dadkii lahaa ka niyad jabeen iyo kuwo wali laga sugayo in ay wax kasoo go’aan oo qayb ahaan ka bad baaday dhibaatada cayayaanka.

Wuxuu intaas ku daray in nolosha dadka deegaanka wax badan iska bedeli lahayd haddii ay beeruhu sidii la rabay usoo go’i lahaayeen oo ay ka bad baadi lahaayeen cayayaanka. Hada se ay jirto walaac ay dadku ka qabaan sida ay noloshoodu noqon doonto.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here