Dadku marka ay maqlaan Aw-daangow, inta badan waxay sawiranayaan ruwaayadaha qosolka leh ee uu sameyo, balse Aw-daango, magaciisa waa Ibraahim Cali Muumin, waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho.
Waa majaajileyste dadka ka qosliya oo madadaaliya, weriyaha Ergo ee magaalada Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi ayaa la kulmay, wuxuuna marka hore weydiiyay inuu dadka u sheego sidi uu ugu baxay magaca Aw-daango.