Abwaan Maxamed Cabdullaahi Gantaal, wuxuu ku nool yahay magaalada Kismaayo, waa abwaan tiriya suugaan kala duwan. Suugaantiisa waxaa ka mid ah gabay uu u bixiyay Kadeed oo uu tiriyay sanadkii 1992-kii, isaga oo joogay xilligaas degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose.
Weriyaha Ergo ee Kismaayo Axmed Maxamed Cabdi (Toronto), ayaa abwaan Gandaal, ka wareystay sidi uu ku yimid gabayga Kadeed.