Sideed boqol oo qoys oo ah barakacayaal abaartii Sima ku xoola beelay ayaa gurmad isugu jira, biyo dhaamin iyo kor u qaadid nadaafadeed ka helay Ururka Nomadic Devolopment Org (NDO) oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta reer guuraaga kaasoo kaashanaya Hay’adda Unicef. Waxana arintani soo bilaabatay 13 kii bishii November ee sanadkan.
Barakacayaasha oo degan Shangale, kaamka barwaaqo ee Buuhoodle iyo tuulada Maygaagle ayaa laba todobaad ka hor loo bilaabay biyo dhaamin socon doonta mudo 6 bilood ah iyadoo si joogto ah biyo loogu shubo kaamamkooda. waxaana loogu shubaaa biyaha booyadaha bacda ah oo gaaraya 15 oo midiiba qaado 50 foost oo loo sameeyey qof shaqaale ah oo u qaybiya biyaha dadka kaamka degan waxayna dadku kaga qaataan jirikaamo iyadoo qof walba uu haysto card uu ku qaato biyaha maalin walba. Halkii qoys ayaa maalin walba loogu tala galay iney helaan hal fuusto oo biyo ah.
Xogta ka dhegeyso halkaan hoose.