Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer oo nolol ahaan dadku xoolo dhaqashada ku tiirsanaayeen, waxaa sanadihii danbe ka bilaamay tacabka beeraha, degaankaan oo ah dhul helitaanka biyaha ay ku yar yihin waxay keentay in abaartii sanadkaan ay qalajisay dhul beereedkii.
Sida uu Ergo u sheegay Cabdilaahi Jaamac oo wasaradda beeraha Puntland u qaabilsan Buuhoodle Beeralayda ayaa beeran jiray dalagyada Masagada, Geleyda, sisinta, Qudaarta noocyadeed iyo geed miroodka ay ka mid yihiin saytuun, liindhanaan, cambaha iyo calafka xoolaha, waana kuwo wada qalalay hadda.
“Abaaraha ka hor waxaa jiray 52 beerood oo isugu jirey kuwo cusub iyo kuwo ilaa dawladii hore jirey ilaa 10 kii sano ee u danbeeyey deegaanka beerashada dad badan ayaa nolol ahaan ku xirmay, dhamaan beerahaasi hadda waxaa kasii jira wax yar 15 beerood oo aan waxba kasoo go’in sanadkii ugu danbeeyey”, ayuu yiri.
Faarax Cabdi oo ah nin beeralay ah, sidookalena ah gudoomiyaha iskaashatada beeralayda degmada ayaa Ergo u sheegay in isagu laba beerood oo uu lahaa, oo 4 higtar ah, ayna qalaleen gebi ahaanba qalaleen dhirta waaweyn sanadkaan.
“Waxaa ii beeraa 120 geed oo geed mirood ah, 80 geed oo saytuun iyo liin ah iyo inta kale oo canbe ahayd, muddo 10 sano ahna dhirtaasi way jirtay, haddana way qalaleen, markii roobka da’ay 40 geed ayaan arkay oo caleemo bixiyey, intii kalese xaabo qalaalan ayey noqdeen”, ayuu yiri:
warbixintoo dhamays tiran ka dhegeyso lifaaqa codka ee kore