Afar iskuul oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa labadii bil ee u dambeysay billaabay inay waxbarasho lacag la’aan ah siiyaan carruurta qoysaska ka soo barakacay abaarta. Fursaddaas waxaa ilaa hadda ka faa’ideystay 135 carruur ah oo 45 ay gabdho yihiin oo ay da’oodu u dhaxeyso 7 jir ilaa 13 jir, kuwaas oo ay dhamaantood tahay markii ugu horreysay oo ay iskuullo tagaan.
Dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee Cabdullaahi Ciise, Waaberi, Mudug iyo Al-Shacab oo ardayda deegaanka uu qofkiiba ku dhigto $10 ayaa kulan ay maamulladooda yeesheen waxay saddex bilood ka hor ku go’aansaday inay si lacag la’aan ah wax ku baraan carruurtan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdicasiis Aadan oo ah maamulaha dugsiga Al-Shacab.
Maamulka degmada ee koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in 4,000 oo qoys oo ku xoolo beelay abaarta ku dhufatay miyiga gobolka Mudug ay degeen xeryo lagu barakacay oo ku yaalla Gaalkacyo, qaarna ay dulsaar ku yihiin eheladooda oo guryo ku leh magaalada.
Cabdicasiis ayaa tilmaamay in dugsiga uu maamulaha ka yahay ay ku biirtay 67 ardaydaas ka tirsan oo 21 ay gabdho yihiin. Labo hab ayuu xusay inay ugu suuragasho qorista ardayda, mid waa wacyigelin ay sameeyaan guddi arday ah oo taga xeryaha iyo tan kale oo ah in ardayda ay maamulka ku soo wargeliyaan haddii ay jiraan dad qaraabo la ah oo abaarta ka soo barakacay, kuwaas oo carruurtooda aanay waxbarasho haysan.
Ismaaciil Maxamed oo dadka soo barakacay ka mid ah ayaa isagoo fursaddan ka faa’ideysanaya waxbarasho geeyay saddex gabdhood iyo labo wiil oo ka tirsan carruurtiisa oo sagaal ah. Aabbahan oo ay abaarta ka dishay dhamaan xoolihii uu dhaqanayay oo ahaa 170 ari ahaa ayaa billowgii sanadkii hore ka soo barakacay deegaanka Bitaale oo Gaalkacyo u jira 40 km.
Wuxuu ku faraxsan yahay in uu waxbarasho bilaash ah u helay carruurtiisa, maxaa yeelay ma uusan awoodeen in uu kulligood waxbarasho lacag ah ka bixiyo. Wax shaqo ah ma hayo, qoyskiisuna wuxuu la deggan yahay dad ay qaraabo yihiin oo hoyga iyo cuntada ay la wadaagaan. Wuxuu ku hamminayaa inuu barto farsamada gacanta si uu ugu shaqeysto, maaddaama uusan rajo dambe ka qabin inuu dib ugu noqdo miyiga.
Maamulaha Al-Shacab ayaa sheegay in ay weli wadaan olole ay ku dhiirrigelinayaan reer miyiga soo barakacay si carruurtooda waxbarashada gaartay ay u geeyaan dugsiyada. Wuxuu xusay in aysan jirin fasallo gaar ah oo loo abaabulay ardayda balse lagu dhex daray fasalladii horey u jiray.
Fahmo Xuseen oo ah hooyo 50 jir ah oo lix carruur ah kala soo barakacday miyiga deegaanka Kaxandhaale oo Gaalkacyo u jira 130 km ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in uu walwal ka haystay waxbarasho la’aanta carruurta laakiin ay hadda rajo fiican u abuurtay fursad waxbarasho oo labo bilood ka hor ay ka heshay dugsiga Cabdullaahi Ciise. Labo gabdhood oo ay dhashay oo sagaal jir iyo 13 jir kala ah ayaa markii ugu horreysay wax u barata.
Hooyadan oo deggan xerada Hayaan ee duleedka Gaalkacyo ayaa soo barakacday markii ay abaarta uga dhinteen 240 ari ahaa oo ay ku tiirsaneyd nolosha qoyskeeda. Laakiin hadda waxay ku tiirsan tahay kaalmo ay ka hesho eheladeeda oo magaalada uga soo horreeyay, kuwaas oo ka taageera raashinka, dharka iskuulka iyo buugaagta ardayda ay wax ku bartaan.
Jibriil Cismaan Cilmi
Gaalkacayo