In ka badan 400 oo qoys oo beeralley ah ayaa ka qaxay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool kadib abaar iyo roob-yari gobolka heysta sanado dhowr ah. Tirada ugu badan ee qoysaskan beeralleyda ah ayaa ka qaxay tuulooyin ay ka mid yihiin Mooro gabay, Qeysar qabow, Aboore, Lugaywin, Gubad galoole, Korkor and Gubad caseyr.
Weriyaha Ergo ee gobollada Bay iyo Bakool wuxuu sheegay in tuulooyinkaas ay caan ku yihiin tacabka iyo beeraha, laakiin beeralleyda ayaa sheegay in roob ku filan aysan helin muddo toddobo sanno ah. Dadka ayaa u qaxay degmada go’doonsan ee Xudur oo xarun u ah gobolka Bakool oo ku dhow xadka Itoobiya.
Muslimo Maxamed Axmed oo ah hooyo 40 sano jir ah waxay toddobo carruur ah kala soo qaxday tuulada Mooro Gaabay oo caan ku ah beeraha. Waxey raadiyaha Ergo u sheegtay in qoyskeedu ku tiirsanaa beerashada oo nolol maalmeedka ay kala soo bixi jireen, laakiin roob-yarida deegaanka heysta ayaa curyaamisay tacabka beeraha oo biyaha roobka ku baxa.
“Cuntada keydka ku jirtay wey dhammaatay, mana aynan heli karin wax kale oo aan cunno,” ayey tiri Muslimo. Qoyska Muslimo wuxuu ka mid noqday beeralleyda ku biirtay dadka ku nool xeryaha barakacayaasha.
Weriyaha Ergo wuxuu sheegay in beeralleyda barakacday ay Xudur imaanayaan si ay gargaar cunto u helaan. Laakiin dadka degmada ku nool naftooda ayaa horey cunno-yari uga cabanayay kadib markii kooxda Shabaab ay jartay waddooyinka soo gala degmada afar bilood kahor. Kooxda ayaa sidoo kale gaadiidka cuntada wada u diiday inay u gudbaan degmada Hudur iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa degmada gaarsiisay gargaar cunto oo muddo ku go’doonsanaa magaalada Baydhabo. Beeralleyda barakacday ayaa ku hanweyn inay qeyb ka helaan gargaarka degmada la keenay.