Qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaan miyi ah oo ku yaalla gobolka Bari ayaa ku xoolo beelay roob dabeyl watay oo Axaddii da’ay. Waxa ay baxsad ka ahaayeen roobka oo ay ka cabsi qabeen in uu ku waxyeelleeyo Xadeed oo ah deegaankooda oo xeebta saaran. Laakiin Maxamed Ibraahim oo ah aabbaha reerka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in roobka oo watay dabeyl qabow oo xooggan oo xawaare leh uu helay intii aanay gaarin deegaanka Xeysimo oo ay u socdeen.
“Dabeyshu waxay nagu dhufatay tobanki habeennimo iyo bar, waxayna na haysay ilaa afarta habeennimo. Dabeyl qabow wadata bay ahayd oo saa’id ah oo dhirtii jejebisay,” ayuu yiri Maxamed oo 56 jir ah.
Roobka iyo duufaanta ka timid Badweynta Hindiya waxay ku dhufteen tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ku teedsan xeebta gobolka Bari. Waxaa ku barakacay ku dhawaad saddex kun oo qoys, iyadoo xoolo qiyaas ahaan ku dhow afar kun oo neef ay ku dhinteen.
Qoyska Maxamed waxaa ka dhimatay 460 neef oo ari iyo ido isugu jira. “Khasaaro waxaa iga soo gaaray shan tiro oo ido iyo ari ah 40 baa iiga haray,” ayuu yiri Maxamed oo wareysi siiyay Raadiyo Ergo. Shan tiro waa 500 oo neef. Wuxuu xaqiijiyay in roobka aanu daad wadan, laakiin khasaaraha soo gaaray ay sababtay dabeysha. “Roobku biyo qaad ma ahayn, laakiin dabeyl qabow baa la socotay,” ayuu yiri.
Maxamed, 12 carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa wuxuu roobka ku da’ayay muddo ka badan shan saac. Waxay xirteen teendhooyin ay wateen. “Hal qoys baan ahayn, lix teendho baan wadannay, dabeyl baana naga jeex jeexday,” ayuu yiri Maxamed oo carruurtiisa iyo xoolihii u haray ay hadda joogaan deegaanka Xeysimo.
Roob xooggan oo dabeylo wata oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka da’ay degmada Caluula ee gobolka Bari iyo deegaannada hoos taga ayaa sababay inay dhintaan in ka badan 4000 oo xoolo ah.
Faaduma Taxaddar/AT/MR