Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar kalena waa lagu la’yahay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka GoofGaduud-buureey oo duleedka degmada Baydhabo ku yaal. Qofka dhintay waa ilmo yar oo sanad jir ah. Afarta kale oo la maleynayo inay biyo-qaadeen iyana waa carruur.
Roobka oo socday in ka badan toban saac oo xariir ah ayaa habeenkii sabtida ka da’ay deegaankaas oo 40km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo. Carruurta maqan weli lama hayo nolo iyo geeri midna. Tuuladaas waxaa ku nool dad beeraley iyo xoolo-dhaqato isugu jira oo ku hoyda guryo ka sameysan carshaan oo aan adkeysi u laheyn roobka xooga leh iyo dabeysha, sida uu sheegay Weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo.
“Biyaha ayaa guriga ugu soo galay wiilkeyga oo sarriirta jiifa, halkaas ayey ka qaadeen,” ayey tiri Dahabo Macalin oo ah hooyada dhashay wiilka ku geeriyooday daadka. Hooyada ayaa ilmaha uga tagay gabadh yar oo ay dhashay, iyada oo baadigoob ugu maqneyd afar kale oo carruur ah oo ay dhashay oo dibada ku maqnaan.
Daadka ka dhashay roobka ayaa sidoo kale dumiyay buundada Baydhabo ku xirta magaalada Muqdisho. Buundadan oo Daynuunaay la yiraa waa marin muhiim u ah isku xirka tuulooyinka fog fog iyo magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay ka mid yihiin, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed. Gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in roobku oo sameyn ku yeeshay isgaarsiinta awgeed in war badan laga heyn deegaanada fog ee uu roobku ka da’ay.
Laakiin weriyaha Raadiyoow Ergo ee Baydhabo jooga ayaa sheegaya in roob daad wata oo ka da’ay tuulooyin ka tirsan degmooyinka Buur-xakaba iyo Qansaxdheer inay galeen dhul beereed balaaran. Daadku wuxuu la tegay keyd-raashineedkaas dadka beeraleyda ah.