Biyo la`aan ayaa ka jirta deegaanka Towfiiq oo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug u jirta 240km, sababo la xiriira roobabkii guga iyo deyrta oo aan si wanaagsan ugu di`in deegaanka.
Shaafici Axmed Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka oo Ergo lasoo xiriiray ayaa sheegay in 60 neef oo ari ah oo uu lahaa ay uga hartay 20 neef, iyagoo harraad u le`day. “Meesha noogu dhow ee biyo laga heli karo waxaa loo socdaa afar beri, lagamana helo biyo nagu filan, waana biyo qaraar ah oo iyaga ayaaba cudur laga qaadaa.” Ayuu yiri Shaafici.
Safiyo Maxamed Nuur oo iyadana ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in xoolaha marka loo waraab geeyo ceel 40km u jira deegaanka Towfiiq ay dhacdo in xoolaha qaar ay waddada ku dhintaan. Waxay sheegtay in biyaha ceelkaas oo dhanaan iyo qaraar ah darteed ay sababto in carruurtu ay ka qaadaan shuban biyood, oo deegaanku uusan heysan biyo kale.
“Anigaan kula hadlaya dorraad ayaan biyo dirsaday welina la iima keenin, biyo kalena guriga iima yaallaan. Waxaan indhaheyga saaray ari harraad waddada ugu dhintay.” Ayay tiri.
Guddoomiyaha deegaanka Towfiiq, Maxamed Cabduqaadir Axmed ayaa Ergo u sheegay in biyo la`aanta ka jirta deegaanka ay sababeen roobab yaraan, iyadoo dadka deegaankuna ay ku tiirsanaayeen baraagaha lagu keydiyo biyaha roobka. Wuxuu sheegay in haddii xaaladdu ay sidan kusii socoto ay dadku u dhiman karaan harraad.
“Ceel uma dhowa deegaanka, haddana baraaguhu waa qallalan yihiin, marka xoolaha ayaa ugu daran oo biyo la`aan u le`da, ceelka ugu dhow waa mid gacanta lagu qoday oo biyihiisu ay yar yihiin, isla markaana ay yihiin kuwo wasakh ah, sidaas bey dadku isaga cabaan biyahaas, oo weliba yar.” Ayuu yiri Maxamed, isagoo ku baaqay in gurmad biyo lala soo gaaro dadka deegaanka.
Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar/FM/MR