Cunto-yari baahsan oo ka jirta dhulka beeraleyda ah ayaa nafaqo-darri u horseeday carruurta ku nool todobo degmo iyo tuulooyin ka tirsan gobolada jubooyinka. Tobankii maalin ee ugu horreeyay bisha Luulyo oo keli ah carruur dhan labo boqol ayaa isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo loo jiifiyay nafaqo-darro.
Carruurta ayaa laga keenay degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubada Dhexe oo ay ka mid yihiin Jamaame, Afmaodw, Badhaare, Dhoobley, Kabsuuma, Jilib iyo Saakoow.
Deegaanadaas oo ah dhul-beeraley ah oo dadkooduna ku tiirsan yihiin tacabka badidood ma leh xarun caafimaad. Sidaas darteed, Bukaanada ayaa maalmo usoo safra si ay daawooyin iyo adeegyo caafimaad oo bilaash ah uga helaan Isbitaalka Kismaayo.
Khadiijo Macalin Cabdulle oo ah beeraley waxay isbitaalka la joogtaa gabadheeda oo saddex sano jir ah, oo ay ka keentay degmada Jilib oo Kismaayo ka fog 120km. “Waxaan ku arkay shuban iyo matag aan joogsi laheyn iyo macluulnimo,” ayey tiri Khadiijo oo la hadashay Raadiyoow Ergo. Khadiijo waxay intaa ku dartay in adeeg caafimaad aysan ka heli karin deegaankeeda, sidaas darteed ay ugu soo safartay magaalada Kismaayo oo isbitaalka guud uu bixiyo adeeg lacag la’aan ah.
Dhakhtar Maxamed Bashiir oo ah maamulaha qeybta nafaqo-darrida ayaa la xariirshay nafaqo-darrida ka jirta labada gobol ee beeraha caanka ku ah dallaga oo aan soo go’in saddex bil oo ay Luulyo ugu dambeyso. Dhakhtarka ayaa intaa ku daray in sanad walba saddexdaa bil la sugo tacabka, laakiin xilligan kusoo beegmay keydka raashinka oo ka go’ay dadka beeraleyda ah tacabyadii hore oo aan si wanaagsan usoo go’in awgeed.
Si kastaba, boqol, lixdan iyo todobo carruur ah oo laga daweeyay nafaqo-darri ayaa laga saaray isbitaalka bishii hore. Laakiin Isbitaalka oo ay taageerto hey’adda Bisha Cas waxaa hadda jiifa carruur dhan boqol iyo labaatan laga daweynayo nafaqo-darri.