12 Jir caseeye ah oo ka qayb qaatay gurmadka loo samaynayo dadka ka soo cararaya yemen

0

Sharma’arke Cali Cabdulaahi waa wiil da’yar oo 12 sana jir, ka shaqaysta xirfadda baalashka kabaha, kuna sugan Muqdisho, waxaa ku tiirsan qoys ka kooban 5 ruux, hooyadiis waa guri joogto haysa carruurta isaga ka yaryar iyo aabihiisna oo xanuusanaya, lugahana curyaan ka ah oo guriga aan ka soo bixi karin, waxayna degan yihiin xero barakaca oo ku taal kaam u dhow Jaamacadda Shabeelle oo Muqdisho u jirta 12km, kuna taal wadada Afgooye.

Sharma’arke wuxuu ka soo baxaa xaafaddiisa xilli hore wuxuuna soo aaday degmada Xamarweyne halkaasi oo ah meel ay ku yaqaanaan  macaamiishiisa, wuxuu maalintii shaqeeyaa lacag dhan 3 ilaa 4$ una dhiganta 80  kun sh so, wuxuuna ka mid noqday dadka ka qayb qaatay inay taakuleeyaan dadka ka soo qaxaya Yemen ee yimid Muqdisho, weriyaha Ergo Cabdulqaadir Cabdulle ayaana kula kulmay goob lagu ururinayey deeqaha, maalintii isniinta ee taariikhdu ahayd 25 May2015, waxaana dhex maray sheekadaan.

S. Maxaad bixisay maxaadse ku ogaatay in dad la caawinayo?

J.Waxaan fadhiistaa jardiinka hoose ee guriga hooyooyinka ee xaafadda Xamarweyne, halkaas oo aan kabaha ku caseeyo. Waxaan kasoo baxay gurigeenii xilli hore  waxaan soo raacaa gaari, waxaan imaaday Xamarweyne si aan ugu shaqeeyo dadka macaamiisha ii ah, idacad ka shidnay gaarigaan soo raacay ayaan ka dhegeystay codadka dad haween  carruuro wata oo runtii aad ii damqay dhibaatana sheeganayey, anniga waxaan ku yaboohay lacag dhan $1, waxaan u dhiibay guddigaan oo markaas ku sugnaa guriga hooyooyinka, kana waday lacag ururinta.

S. Maxaad dareentay markaad bixisay?

J. Waxaan dareemay runtii farxad,waayo waxaan qalbigaygu i siiyey inaan caawiyey qof baahan, anniga qoyskayga ayaa ku jira nolol adag, waxaan dareemaa farxad marka aan maqlo qoyskaygii waa la caawiyey, waxaa tiro ka saddex goor nalaga saaray xeryo barakaca oo aan deganayn sida tii u dhowayd Airporka 2011, xeraddii agagaarka ciidamada asluubta bishii March 2015, markii horena waxaa nalaga soo raray  deegaanka Celasha Biyaha sanadkii 2010 , marka qoys hooyo ah oo carruur wadata oo xitaa aan haysan meel ay ku hoyato ayaa I damaqday.

J. Maxaad oran lahayd bulshadda Soomaalida?

S. Runtii inay kuwooda xoolaha haystaa bixiyaan oo taakuleeyaan dadka baahan ayaan oran lahaa, carruurta dan yarta ahna la taageero, annaga nabad inaan helno ayaa noo muhiim ah si aan u wax u baranno una dhisano mustaqbal fiican, waxaana jira carruur kale oo caseeya ah oo sameeyey sidaan oo kale iguna dayday, kuwaasoo iyana bixiyey hal hal dollar.

Waxaa  socda Soomaalida ka soo carararysa wadanka Yemen, iyadoo maalintii shalay soo gaareen Boosaaso dadkii ugu badnaa siduu Ergo u sheegay iyadoo doonyihii y imid Boosaaso maalintii Arbacada ahayd ay wadeen dad ka badan 3 kun oo qof siday sheegtay wasaaradda arrimaha guddaha ee Puntland, bulshadda Soomaaliyeed ayaa samaysay gudiyo isku dhaf ah kana kooban hay’addaha gargaarka, ganacsatadda, culimadda iyo maamuladda ka jira Muqdisho iyo Boosaaso iyagoona dadka shicibka ah u bandhigaya inay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo dadkaas imanaya.

Dhamaad

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here