Dad gaaraya 95 qof oo qaxooti Soomali ah oo laga soo qaaday magaalada Sanca ee dalka Yemen oo dagaallo ay ka jiraan oo Isniintoo laga soo dejiyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay hoy ku meel gaar ah.
Dadkan qaxootiga Soomalida ah ayaa waxay u badnaayeen haween carruur yaryar sita iyo dad waayeello ah oo qaarkood ay xanuun sanayeen ayaa qaar ka mid ah waxay ku biireen ehelladooda magaalada degganaa, halka kuwa kalena ay sugayaan in deegaannadooda loo qaado.
Maxamuud Cabdi Axmed oo ah sarkaal ka tirsan IOM ayaa Ergo u sheegay inay ku talo jiraan in qaxootiga ay ka caawiyaan inay aadaan deegananadooda kale e ee dalka.
“Dadka is dabbaraya ee qaraabo ay Muqdisho u joogaan way aadayaan, kuwa kale ee raba in gobollada kale loo gudbiyana, IOM diyaar bey u tahay waxayna dejisay meel ku meel gaar ah oo ay cunto iyo hoy ka helayaan, kadibna waan ka caawineynaa inay aadaan deegaannadooda,” ayuu yiri Maxamuud.
Warda Cusmaan oo ah hooyo leh saddex carruur ah oo 10 sano ku nooleyd magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa dareenkeeda uga warrantay Ergo, “Dagaallada dartood ayaan usoo qaxnay, waan ku faraxsanahay inaan dib usoo laabto, waan auga mahad celinayaa dadkii nasoo qaaday,” ayay tiri Warda.
Maxamed Cali Salaad oo ka mid ah qaxootigan ayaa isagana Ergo u sheegay,“30 sano ayaan ku noolaa dalka Yemen magaladan cedna iima joogto, balse guryaheennii ayaa ku yaalla, waana ku faraxsanahay inaan dalkeyga dib ugu soo laabto,” ayuu yiri.
Axmed Cabdi Xasan oo ah qunsulka Soomaliya ee magalada Cadan oo la socday Soomalida qaxootiga ee la keenay ayaa sheegay in Soomalida uu dhib badan ku haysto Yemen, gaar ahaan kuwa ku jira xerada qaxootiga ee Alkharaz, oo aysan dadku awoodin inay soo laabtaan, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadeyso soo qaadidda qaxootiga.