Waxaa dhowaan la soo gebagebeeyay tababar ku saabsanaa Hagaajinta Adeegsiga af Soomaaliga ee Warbaahinta oo uu maalgeliyay Radio Ergo laguna kala qabtay magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe iyo Hargeysa.
Tababarkan oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 150 weriye oo ka kala socday Idaacado, TV-yo, Website-yo, Wargeysyo kuwaasoo 51 ka mid ahi ahayeen dumar, waxaana tababarkan lagu martiqaaday khubaro aqoon u leh mawduucan warbaahinta iyo af Soomaaliga.
Weriyaasha ayaa waxaa lagu barayey mowduucyo kala duwan oo loo arkay inay muhiim u tahay qof kasta oo ka shaqeeya warbaahin adeegsata afka Soomaaliga, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: muhimmadda barashada qoraalka farta Soomaaliga, higaaddiisa iyo weerihiisa, dhibaatooyinka ka dhasha adeegsiga ereyada aan saxda ahayn ee idaacadaha iyo TV yada, asluubaynta af Soomaaliga loo adeegsado warbaahinta Soomaalida iyo tarjumaadda khaldan iyo saameynta ay ku yeelato wararka afka Soomaaliga loo beddelo.
Dhamaan wereyeyaashii ka qaybgalay tababarradan waxay caddeeyeen iney si weyn uga faa`iideysteen tababarkan loona baahnaa, waxayna ka codsadeen Ergo in la sii kordhiyo tababarrada caynkan ah kuwaaso si weyn ay ugu ooman yihiin weriyeyaasha si ay wax uga beddelaan heerka ay haatan yihiin.
Arrtintan waxay ka dhalatay ka dib markii ay Raadiyo Ergo u muuqatay in af Soomaaligii khatar ku sugan yahay, caalami ahaanna lagu daray luqadaha laga yaabo iney adduunyadu ka tirtirmaan sida ay sheegeyso daraasad ay sameysay UNESCO.
Waxay haddaba taasi keentay welwel iyo baqdin, wuxuuna maamulka Raadiyo Ergo go`aansaday inuu fadhiga ka kaco oo arrintan dadaal u galo sidii wax looga qaban lahaa arrintan, ugana qaybqaadan lahaa xoojinta af Soomaaliga warbaahinta lagana bilaabo ururintiisa iyo sixitaankiisa weriyeyaasha Soomaaliyeed oo qoraal iyo oraahba ku hawlgala af Soomaaliga.
Sanadkii 2011kii ayuu Raadio Ergo ballanqaaday inuu ka qaybqaadan doonto sidii loo tifaftiri lahaa adeegsiga af Soomaaliga warbaahinta loona hormarin lahaa. Muddo ka dibna wuxuu Raadiyo Ergo billaabay tallaabadii ugu horreysay sidii loo fulin lahaa arrintaas. 21kii Febraayo 2015ka ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi tababarkii ugu horreeyay kaasoo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee afka Hooyo, kaasoo ay ka qaygaleen in ka badan 30 weriye oo ku dhaqan magaalada Nairobi.
Tababarradan waxaa ka qaybgalay mas`uulin sare oo ka socday gobollada lagu qabtay tababarradan oo dhamaantood u riiyaaqay tallaabadan, kuna boorriyay Raadiyo Ergo inuu labanlaabo hawshaan qiimaha leh.