Labadii sano ee ugu danbeeyey waxaa kor u kacay tiradda ardayda isu diwaan gelinaysa goobaha waxbarashada degmadda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa kordhay tiradda dugsiyadda sarre iyo jaamacadaha, iyadoo dadka deegaanku fureen goobo lagu soo dhiso ardayda waxbarashadu ka daahdo si kor loogu soo qaado heerkooda tacliinta, waxaa intaas goobo waxbarasho oo dadweynuhu dhaqaale ay iska ururiyeen ku dhiseen si wax loogu baro dadka barakacayaasha iyo danyarta.
Cabdisalaan Cabdilaahi Cilmi Shafeec oo ah madaxa diwaan gelinta jamacadda Hiiraan ee Beledweyne ayaa sheegay in wakhtigaan Beledweyne ay ku yaalaan 9 dugsi sarre, 2006 ka hor ma lahayn wax jamacad ah degmadu, waxaana hadda furan 6 jaamacadood oo 5 ka mid ah 2014 la furay.
Cabdinasir Faarax Cilmi waa gudoomiyaha horumarinta gobolka Hiiraan ayaa Ergo u sheegay inay ka urur ahaan sanadkasta ay sameeyaan daraasad ku aadan waxbarashada gobolka, taasoo ka hadlaysa sida wax u socdaan, isku xirkooda iyo caqabadaha taagan, sanadkaan marka waxaan oran karnaa waa sanadkii ugu fiicnaa abide e dhinaca waxbarashada degmada Beledweyne.
Ardayda wax ka barata Beledweyne ayaa ka kala yimaada miyiga iyo gudaha Ethiopia oo degmadu xad la leedahay, sanadkii la soo dhaafay waxaa dugsiyada sarre ka baxay 800 oo arday, kuwaasoo 500 oo ka mid ahi ku biireen jaamacadaha.
Dugsiga hoose Dhexe ee Alixsaan isagu waa dugsiga hoose ee keliya oo dadka dan yarta ahi lacag la’aan waxa uga bartaan, muddo laba sano ah ayuu furan yahay, Dr. Qaasim Axmed waa maamulaha iskuulka “Waxaan ku bilownay iskuulkaan sanadkii 2013 arday dhan 115, haddana waxaa dhigata 400 arday kor u dhaafaysa, waxaana keenay dadka oo ogaaday muhiimadda waxbarashadu leedahay, inkastoo laba fasal keliya ahi qalabaysan yihiin, ardayduse aysan dareemin dhibtaas.
Dr Qaasim ayaa sheegay in kobaca waxbarasho uu muhiim u noqday gabdhaha, sanadkii la soo dhaafayna ay tiradii ugu badnayd u diwaan geliyeen, 2014 gabdhaha ay u diwaan geliyeen ay ahaayeen 86 halka wiilashuna ahaayeen 73.
Xaliimo Maxamed Xuseen waa hooyo degan xaafadda Xaaw- taako ee Beledweyne, “Anniga laba gabdhood ayaa ii dhigta iskuulka Alixsaan, waalidiintu runtii hadday fahmeen wax barista gabdhaha, ayna ogaatay muhiimadda waxbarista gabadhu leedahay, wiilashuse hadda maskax ahaan uma joogaan wax yaabo kale ayey ku haminayaan.”
Beledweyne ayaa sanadihii danbe u muuqanaysay inay ka soo kabatay dhibaatadii soo gaartay tacliinteeda oo bishii DIseembar ee 2008 lagu dilay 4 macalim gudaha Beledweyne oo bare ka ahaa iskuulkii Hicap, oo isagu ku xirmay weerarkaas.