Xoolo dhaqatadda gobolka Gedo ayaa sheegaya inay noloshoodii nugleeyeen xilli abaareed lagu jiro, qiimahii xoolaha oo aad hoos ugu dhacay iyo sidoo kale cuduro haya geela, deegaanadda cuduraddaan laga soo sheegaya ayaa ah, Geriley, Faafax Dhuun, Ceelwaaq iyo deegaano ku dhow Afmadow oo ah Jubbada Hoose.
Cabdullaahi Diiriye oo ku sugan Faafax- dhuun oo Baardheere u jirta 84km ayaa ERGO u sheegey labadii todobaad ee ugu dambeeyey in xoolo dhaqatada gobolka ay la soo deristey xaalado qalafsan oo is biirsadey, ayna u halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen biyo iyo baad.
“Dadku waxay dhahaan cuduradda kud, ma ahanse, waa cudur geella haya oo ku soo boodaya uu dhakhsana u dhimanayo, baadhitaanna weli lagu samayn, waana cudur hayey geella saddexdii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna kacaa xilliga biyo yaraanta, waxaana hadda xoolo dhaqatadu u bixiyeen Qarax, oo neefkii oo fayow ayaa dhakhso u dhacaya dhimanayana”.
Maxamed Muxumed oo ka tirsan ganacsatadda sayladda Luuq ayaa sheegay in xoolaha degmadaas la keeno ma nacfi fiicna, qiimo fiicanna ma joogaan, oo ganacsatadii xoolaha ee imaan jiray Luuq way yaraadeen, geela ayaa ugu daran oo kan sayladda la keenayo ma tamar fiicna.
Sidoo kale Maxamed Axmed oo ka mid ah ganacsatada iibka xoolaha degmada Baardheere sheegay “Sanadkan waxaa hoos u dhac uu ku yimid qiimihii xoolaha nool oo dhan, awrta waaweyn ee sanad ka hor qiimahooda uu ahaa 30 milyan, ayaa maanta seylada Baardheere waxay kamarayaan 22milyan, Lo,da , ariga iyo dameeraha ayaa qiimahooda uu hoos u dhacay 40 boqolkiiba, arrimahaasina waxaa sabab u ah daruufaha qalaf san ee xilligan ka taagan gobolk”.
Sidoo kale collaadaha oo xiray wadooyinkii ganacsiga muhiimka u ahaa ee ka soo galayey gobolka dhinaca Gobolada Bay iyo Hiiraan ayaa xiran.