Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay todobaadkaan tuulooyin ku dhow degmadda Diinsoor ee gobolka Bay ayaa keenay khasaare, degaanadda Dhaysale, Booromo, Raaxoole iyo Koore oo dhinaca bari ka xiga Diinsoor ayaa roobku ku dilay xoolaha, dadka xoolo dhaqatadda ah ayaa sheegay in deegaanka oo ay ka jirtay abaar daran iyo biyo la’aan xooluhuna ahaayeen kuwo tamar daran ay keentay dhimashadda xoolaha gaar ahaan ariga.
Saney Maxamed Cali oo ku sugan degaanka Raaxoole oo 20 km bari ka xigta Diinsoor ayaa Ergo u sheegtay “Bariga degmada Diinsor oo deegaano badan kuyaalla oo xoola dhaqatada ay degaan ayuu roob wakhtigiisa la gaarin nagu da,ay, wuxuuna watey dabeyl iyo daad xoogan oo xoolo badan oo ari u badan la tagey, aniga 15-reef iyo wixii agab ahaa oo aqalaka noogu jirey ayuu nagala tagey”.
Xasan Cabdi Nuur waa odoyaasha dhaqanka deegaanka Dhaysale wuxuu weriyaha Ergo ee gobolka Bay u sheegay “Tuulooyinka aad ayuu u saameyey roobka oo ahaa mid aad u xaaganaa, annaga tuuladaan wuxuu dilay ari tiradiisu tahay boqol iyo xoogaa neef, aqaladiina daadka ayaa qaaday badankooda”.
Dadka ayaa sheegaya in 60 qoys oo guryihii kala tegey roobku aysanna hadda haysan meel ay u hoydaan, inkastoo qasaaro uu geystey roobka da,ay, haddana dadka ayaa aad ugu diirsaday, deegaanka waxaa ka taagnaa biyo la’aan, waxaa qalalay warihii oo ahaa goobaha keliya ee biyaha laga helayey, wayse buuxsameen.
Siduu sheegay gudoomiyaha degaanka Goof-guduud Shabeelow Axmed Maxamed Jadiid “sanadkii ugu danbeeyey degaankaasi ma helin wax roob oo wanaagsan, taasoo keentay in badi warahii qalalaan.
Muxiyadiin Xusni