Tuulada Wadajir oo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo kaga beegan 130km dhanka koofureed, ayaa laga hirgeliyay ceelbiyood, iyadoo tuuladu ay ahayd mid biyo la`aan looga guuro xilliyada jiilaalka.
Dadka ku dhaqan tuuladan oo xoolo-dhaqato ah ayaa markii hore u tallaabi jiray xadka Kenya oo 4km u jira, si ay biyo uga doontaan, taasoo ay mararka qaar kala kulmi jireen dhibaato, maaddaama laga rabay sharci ay ku galaan gudaha Kenya. Fuustadii biyaha ayay ku iibsan jireen lacag dhan 2,000 shilinka Kenya ah.
“Mararka qaar Kenya way xiran jirtay xadkeeda, xaalado ammaan dartood. Dadka waxay ku qasbanaayeen inay ka qaxaan tuulada. Haddase baahidaas waan ka baxnay.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay Maxamed Hilowle oo ka mid ah dadka deegaanka.
Cabdikheyr Faarax, oo ah guddoomiyaha tuuladan Wadajir ayaa sheegay in dadka tuulada oo ilaa 500 oo qoys ah ay hadda aad ugu faraxsan yihiin ceelka. Isgaoo sheegay in bilooyin kahor ay laba carruur ah harraad ugu geeriyoodeen tuulada.
Ceelkan ayaa waxaa qodday hay`adda samafalka General Service Agent (GSA) oo ah NGO Kenyan ah.
Axmed Cumar Saalixi/FM