Ilaa afar qoys oo kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaasoo la dejiyay meel ay kusii nastaan.
Qoysaskan oo 24 qof ka kooban ayaa si iskood ah usoo laabtay, muddo saddex maalmood ah ayayna kusoo jireen safar dhanka dhulka ah, iyagoo ka kala yimid xeryaha Xagardheer iyo Dhagaxley ee xerada Dhadhaab, waxaana la dejiyay goob nasasho ah oo dhwoaan laga sameeyay duleedka degmada Luuq, si ay kadibna safarkooda usii wataan.
Faadumo Yaasiin Xirsi oo ah hooyo haysata 5 carruur ah, waxay muddo siddeed sano ah ku nooleyd xerada Xagardheer, waxayna ka mid tahay dadka iskood usoo laabtay, waxay markeedii hore ka tagtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Gedo. Waxay Ergo u sheegtay in waxyaabihii ay markii hore u tagtay aysan ka helin, noloshana ay ku adkaatay.
“Markii hore waxaa la ii sheegay in laga dhoofo xeryaha, balse markaan tegay waxaan la kulmay gumeysi iyo inaan meesha nalaga qiimeyneynin, hadda aad baan u faraxsanahay maaddaama aan dhulkeyga hooyo kusoo laabtay,” ayay tiri.
Cabdullaahi Cali Dhicis oo isagana muddo lix sano ah ku noolaa Xagardheer, wuxuu markii hore ka tegay tuulo u dhow degmada Luuq, wuxuu Ergo u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib usoo laabto.
“Xorriyad kuma heysan xeryaha, dhaqdhaqaaq malaha, raashiin nagu filan kuma heli jirin. Xabsi ayaan ka cabsan jirnay, hadda niyaddeydu aad bey u deggan tahay,” ayuu yiri.
Hey’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa qaxootiga kasoo laabanaya Dhadhaab ee soo aadaya gobolka Gedo uga diyaarisay duleedka degmada Luuq goob ay kusii nastaan, iyadoo loogu diyaariyay cunto iyo adeegyada caafimaad.