Deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in cudurka jadeecadu ka jiro, todoba tuulo oo hoostaga Mahadaay ayaana hadda ugu daran, waxaana ku dhintay lix carruur ah.
Maxamed Cabdilaahi Tiifow oo ah gudoomiyaha tuulada Fiidow oo ka mid ah tuulooyinkaan ayaa sheegay in 4 carruur ah deegaankaas ugu geeriyoodeen cudurka, aysanna jirin xarummo caafimaad oo ku yaal.
Cabdulaahi Dugow Muumin oo ku sugan deegaanka Jariirow oo 21km u jira Jowhar ayaa isna Ergo u sheegay in 2 carruur ahi iyana todobaadkaan ugu geeriyoodeen jadeeco, halka shan carruur ah oo kalena u jiifaan.
Ibraahim Muuse Mahad waa kal kaaliye caafimaad oo ka hawl gala xarunta Inter-Sos ee Jowhar wuxuuna Ergo u sheegay inay soo gaareen 19 bukaan ah labadii todobaad ee ugu danbaysay, carruurtaan oo laga keenay tuulooyinka Baarey, Airboorka, Magadley, Xaanshooley, Fiidow, Sarsor iyo Jariirow oo ka tirsan dhamaan Mahadaay, haddana afar carruur ah ayaa weli jiifta oo ay jadeecadu ku keentay nafaqa darro.
Dr. Cabdi Casiis Ibraahin Nageeye oo ah takhtar ka hawl gala isbitaalka Jowhar ayaa Ergo u sheegay in cudurku wakhtigaan ku sii faafayo deegaanka, isagoona bulshada u sheegay habka leysgu gudbiyo, isagoona ugu baaqay bulshada inay dhakhso u keenaan carruurta goobaha caafimaad ee ugu dhow.
Isu duwaha caafimaadka gobolka Shabeelaha Dhexe Ibraahm Xaaji Cabdulqaadir ayaa Ergo u sheegay in hadda wadaan talaal cudurkaan ah oo ay iska kaashanayaan wasaaradda caafimaadka, UNICEF, WHO waxaana fulinaya hay’addaha IMC iyo Intersos oo fulinaya, deegaanka Muuro Jiido ayaa lagu talaalay 100 carruur ah todobaadkaan.
Hawl wadeenada caafimaadka ayaa sheegaya in xilliyada qaar uu cudurkaani deegaanka ka dilaaco, iyadoo sanadkastana la samayn jiray olole talaal looga hor tegayo, ololahaas ayaa istaagay sanadkii 2009 sababo amaan dartood, hadda ayuuna dib u bilowday.
Maryan Sheikh/MH