Degmada Sheekh oo ah degmo qadiimi ah ayaa dadka ku nool waxay ka cabanayaan dhibaato dhanka biyaha ah oo ka taagnayd muddo ka badan 20 sano sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Maxamed Maxmuud Gahayr oo ka mid ah odayaasha Sheekh kuna noolaa ilaa 1991 ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in magaalada laga cabo biyaha aan nadiif ahayn oo booyado ka soo dhaamiyaan tuulada Dubur oo 15 KM u jirta degmada Sheekh, foostadiina laga siiyo $1.5.
Wuxuu intaa ku daray in biyuhu ay yiin kuwa dhoobo iyo ciid ay ka buuxaan, aanna la cabi karin ilaa la kaydiyo oo lakal maaxiyo muddo 12 saacadood ah, waayo waxaa laga soo dhaamiyaa ceelal la maaxiyo, in ka badan 20 sano ayaan ku noolahay halkan walina ma helin biyo igu filan oo nadiif ah, marka u roobku da’o gabi ahaan magaaladu biyo maleh waayo dhulka ayaan dhiiqoobaya gawaariduna ma awoodaan inay maraan.
Maxamuud Jaamac Kaahin wuxu ka mid yahay ganacsatada wuxuuna Ergo u sheegay in biyaha laga cabao degmada ay halis ku iyihin caafimaad shacabka waayo mararka qaar xayawaano baqkhtiyey baa lagu ridaa ceelasha laga soo dhaamiyo, markaas ayey biyihii noqdaan kuwo urayo.
Dhawr jeer ayaa la isku dayey in biyo la geliyo magaalada oo waxaa ku baxday dhaqaale gaaraya 7 boqol oo kun oo doolar ilaa haddana wax ma hayno, adeegyada kale ee bulshada way shaqaynayaan laakiin ma garanayano biyaha wax ku dhacay sidaa waxaa Ergo u sheegay Maxmauud.
Maareeyaha wakaaladda biyaha ee degmada Sheekh Cabdi Jaamac Faarax oo Ergo ay wax ka waydiisay arrintan ka soo yeertay dadka ku nool degmada ayaa sheegay inay ku hawlanyihiin samaynta ceelka magaalada iyo qalabayntiisa.
Degmada Sheekh ayaa waxaa ku nool siday sheegayaan maamulku qoysas tiradooda ay ku qiyaaseen 7 kun.
Sadiiq Yuusuf Khalf/FO