Ciidamada booliska ee degmada Afgooye ayaa 70 qoys si qasab ah uga saaray dhul beereed ku yaal inta u dhaxeysa tulooyinka Raqeyle iyo Mooro-diinle ee gobolka Shabeelaha hoose bartamihii bishii hore.
Maxkamada gobolka ayaa dhulkan oo dhan 128 hiktar lahaanshiyahiisa u xukuntay Cismaan Jaamac Yuusuf oo qurbaha kasoo noqday sanooyin kadib.
Laakiin Abuukar Nuur Maxamed oo ah askari howlgab ah oo 90 sanno jir ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in dhul beereedku yahay dhaxal awoowe oo fac ka fac ay milkiyadeeda lahaayeen.
“Aniga oo beerteyda fadhiya ayey ciidamadu si kedis ah nagu dulyimaadeen, waxeyna bilaabeen inay xoog nooga saaraan. Wax digniin ah iyo wax dacwad oo aan horey uga qeybgalnayna ma jirin,” ayuu yiri Abuukar oo in ka badan 35 sanno ka tirsanaa ciidamada miltiriga.
Baashi Mukhtaar Axmed oo ah 60 sanno jir ka mid ah qoysaska dhul beereedka laga saaray ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen dalagyadii beerta ka baxayay oo isugu jira khudaar iyo tacab kale. Baashi wuxuu intaa ku daray in ciidamadu ay sidoo kale rarteen matooro beerta lagu waraabin jiray.
Qoysaska laga raray dhul beereedkan waxay sheegayaan in aysan jirin cid horey dacwad uga soo gudbisay ama kiis maxkamad yaalay oo ay ka qeyb-qaateen. Laakiin gudoomiyaha maxkamada gobolka Shabeelada Hoose Barre Cusmaan Xuseen wuxuu Raadiyoow Ergo u sheegay in dadka dhulka ku heysta Cismaan Jaamac Yuusuf oo afar qof ah ay diidayeen inay maxkamada hor yimaadaan si kiiska loo dhageysto muddo ka badan labo bilood. Barre wuxuu sheegay intaa kadib markii maxkamadu aragtay warqada uu soo bandhigay Cusmaan ay go’aansatay in lahaanshiyaha dhulka u xukmiso.
Cismaan Jaamac Yuusuf oo la hadlay weriyaha Ergo wuxuu sheegay in dhulka uu iibsaday 1979 oo uuna degannaa ilaa dowlad burburkii oo ku beegan 1991. Wuxuu xusay in markii uu qurbaha kasoo noqday dhowr sanno kahor uu arkay dhulbeereedkiisii oo ay dad kale tabcanayaan, kadibna uu qaarkood la xaajooday oo ay aqbaleen inay dhulka baneeyaan, halka kuwo kale ay diideen. “Go’aanka maxkamada waa mid xaq ah oo dhulkeyga dib leygu soo celinayo,” ayuu yiri Cismaan.
Doodaha la xariira lahaanshiyaha dhul aad bey kordhayeen dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay. Waxeyna adag tahay in si sahlan loo aqoonsado cidda sida dhabta ah u leh dhulalka la isku heysto maadaama waaxda dhul bixinta aysan shaqeyneynin muddo ka badan 20 sanno.