Ku dhawaad 150 qoys oo ay barakiciyeen daadad ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo ka da’aday maalmo ka hor degmada Buur-hakabo ee gobolka Baay kuna sugan duleedka magaalada ayaa dalbanaya in la caawiyo.
Qamar Axmed oo haysta lix carruur ah ayaa Radiyaha Ergo u sheegtay in gurigeedi uu ku dumiyey roobka gabi ahaantiisba balse ay ku dedaashay sidii ay u baadbaadin lahayd caruurta iyo nafteeda, waxay intaa ku dartay in sedex guri uu roobku dumiyey oo keedi ku jiro, laakiin waxaa jira in daadadku ay la tageen dhammaan wixii agaba ah ee yaallay guryaha
Hadda xaaladu aad ayey u adag tahay waayo waxaan joognaa waa banaan aan lahayn wax hoyi oo kaneeco leh mahaysanno wax aan ka galno roobka, cunno iyo caafimaad toona, marka waxaan codsanaynaa in teendhooyin nala ku caawiyo roobku mar walba ayuu imaan karaa waxaan nahay ilaa 140 qoys oo isgu jira carruur, haween iyo dad waayeel ah.” Sida awaxaa tiri Qamar.
Malaaq Mustafe Axmed Maxamed oo ka mid ah odayaasha ku sugan degmada Buur-hakaba ayaa Ergo u sheegay in roob socday muddo saacado ah u sababay daadad muddo sedex cish ah aan la furin suuqayada magaalada oo ay istaageen isu socdadka dadka iyo gaadiidka, waxaana sidoo kale gudaha degmada ku jabey biyihii ka batey waro biyoodyo ku yaala gudaha degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay.
Wuxuu intaa ku daray in haddii si deg deg ah aan biyo xireenno loo samayn in khasaaraha biyaha iminka ay sababeen oo ah in dhammaan ay la tageen agabkii guryaha lagu isticmaalay sida maacuunta, gogasha iyo la mid ah iyo inta la hubo dumista sedex guri oo jiingado ka samaysnaa ay imaan karto dhibaato hor leh oo ka dhalata daadadka roobka iyo biyaha ka soo jabaya warahaha.
Degmada Buur-hakabo waxay 60 km u jirtaa dhanka waqooyi magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Muxiyadiin Muxsin/FO