Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 1 milyan oo qof oo soomaali ah oo hor leh ay macaluulayaan taasoo kordhinaysa 20% tirada dadka gargaarka u baahnaa bishii Janaayo ee sanadkaan.
Shir jaraa’id oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi ayaa hay’adaha ururiya haqab-beelka cuntada ee FSNAU iyo Fewsnet ku soo saareen digniinno ku aaddan in waddanku waqtigaan uu marayo meel xaasaasi ah oo dhinaca cuntada ah, xaaladduna ka sii xumaan karto intaan la gaarin bisha Octobar oo la filayo roobka dayrtu inuu da’o, iyadoo shirka jaraa’id lagu sheegay in 2.1 milyan oo qof ay yihiin kuwo u nugul gaajo.
Shirkaan jaraa’id oo uu qabtay xiriiriyaha arrimaha bani’aadannimo ee Soomaaliya Fillip Lasirini iyo madaxda hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in 62% dadka gaajadu haysaa ay yihiin kuwa ku jira xeryaha barakaca, 27% yihiin kuwa miyiga ku nool halka 11% yihiin kuwa magaalooyinka ku nool, carruurta xaddiga nafaqa darradu hayso ayaa shirkaan jaraa’id lagu sheegay 218 kun oo carruur ah oo ka yar da’da shanta sano yihiin kuwo ay macluuli hayso, caruurtaan ayaa 43800 oo ka midi yihiin nafaqo darri ba’ani kuwo ay haysato
Warbixintu waxay sheegtay in dhibaatoyinkaan ay sababeen jidadka oo colaado ay xireen, roobabkii guga oo aan si hagaasan u di’in iyo qiimaha cuntada oo aan fadhiyin, goobaha ugu daran ayaa warbixintu ay ku sheegtay degmooyinka Waajid, Xudur, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan degmooyin ka tirsan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhulalka xoolo dhaqatadu ay deggan yihiin ee ku teedsan dhul xeebeedka Gobollada Dhexe iyo Puntland ay yihiin kuwo ay haystaan biyo la’aani, dhanka kale hay’adaha ayaa rajo ka muujiyey saadaasha xilli roobaadka guga ee soo socda inay ka di’i doonaan Soomaaliya.
Maxamed Xasan/FO